Putin wuu ka aargoosan doonaa hogaamiyaha Wagner – Madaxa CIA-da.

Madaxwenaha Ruushka, Vladimir Putin waxaa uu isku deyayaa inuu lumiyo waqtiga, isagoo dhanka kalena ku howlan qaabkii uu ula tacaali lahaa Yevgeny Prighozin, sidaas waxaa yiri madaxa laanta sirdoonka Mareykanka ee CIA-da.

Mr Prigozhin, waa hogaamiyaha kooxda calooshood u shaqeystayaasha Wagner, kuwaas oo hogaaminayay kacdoonkii Ruushka ee dhacay bil ka hor.

Prigozhin ayaa dalal dhowr ah tegay, muddooyinkii u dambeeyayna waxaa la sheegay inuu ku sugnaa dalka Belarus gaar ahaanna magaalada Minsk balse waxaa markii dambe la sheegay inuu ku suganyahay gudaha dalka Ruushka.

Hogaamiyahan ayaa dadku intooda badan u yaqaanna inuu cunto kariye u ahaa madaxweyne Putin.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker