Atariishada caanka ah Priyanka Chopra oo si adag ugu hadashay muuqaal caro ka dhaliyay Hindiya.

Atariishada caanka ah, Priyanka Chopra, ayaa si kulul ugu hadashay muuqaal caro ka dhaliyay gudaha Hindiya, kaas oo laga duubay haween kaddib markii la kufsaday, dhacdadaas oo ka dhacday gobolka Manipur ee dalkaasi.

Qoraal ay soo dhigtay barteeda Instagram ayaa waxay ku baaaqday in si degdeg ah wax looga qabto arrintaasi.

Waxay sidookale shegtay inay aad uga xuntahay in laga gaabiyay tallaabo ay ahayd in laga qaado dadkii ka dambeeyay falkaas.

Marnaba aqbali meyno in haweenka ku nool dalkeena lagula kaco fal caynkaas ah ayay tiri Priyanka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker