Hadalki Ugu Dambeeyey Duuliyihi Diyaaradda Itoobiya Ee Burburtay

Warar dheeraad ah oo ku saabsan diyaaraddii burburtay ee ay lahayd shirkadda diyaaradaha Itoobiya ayaa sheegaya in la helay xog ku saabsan xaaladdi ugu dambeysay ee duuliyaha diyaaradda.

Burburki diyaaradeed ee sababay dhimashada 157 qof oo diyaaradda saarneyd waxaa loo sababeeyey iney diyaaradda cillad habka duulista ah ay la soo deristay kaddibna uu dab ka kacay.

Diyaaradduna markay 137 miitir ay dhulka u jirto ay diyaaraddu billaawday shanqar aan horay looga baran waxayna markiba billawday iney hoos iisu soo deyso.

Sida uu qoray waregeyska Wall Street uu qoray hadalki ugu dambeeyey duuliyaha diyaaradda inta ay burburin uu ku hadlo inuu ahaa “Kor u kac, kor u kac” taasoo loo fasirtay inuu duuliyaha la tacaalayey iney diyaaradda uu kor u qaado ilaa codkiisi ugu dambeeyey raadiyaha laga waayo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker