Madaxa Guud ee Ururka Xuquuqda Aadanaha JSL Oo Ka Hadlay Telefishanada Xukuumada Madaxweyne Biixi Albaabada U Xidhay
Ciidamada booliska somaliland ayaa xidhay xarumaha ay leeyihiin qaar ka mid ah telefishanada ka hawl gala dalka, kuwaas oo ay sheegeen in amar ka soo baxay xukuumada lagu xidhayo
Xubnaha Difaaca Xuquuqda aadanaha ee somaliland ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay talaabada ay xukuumadu ku xidhay hay’addahan ka midka ah warbaahinta madaxa banaan ee dalka.
Mudane Guuleed Dafac oo ka mid ah sharci yaqaanada u dooda xoriyada ayaa ka hadlay talaabadan ay xukuumadu qaaday isaga oo cadeeyey inuu walaac weyn ka qabo xuquuqda talaabooyinka ay xukuumadu qaadayso.
Garyaqaan Guuleed Dafac ayaa qoraal uu Soo dhigay bartiisa Facebook waxa uu ku yidhi “Dalna laguma maamuli karo Digreeto Madaxweyne iyo Mid Wasiir,
” SOLJA. Completely true. Sababta garsoorku u jiraa waa “u gar-naqa ka dhaxeeya Dawadda iyo dadka; iyo dadka dhexdooda,” sida ku cad qodobka 97 ee dastuurka Somaliland. Hadii dawladdu wax ku haysato warbaahinta waxaay ahayd inay garsoorka aado, balse inay ciidankeeda u dirto oo albaabada u laabto waa qayral dastuuri, waa dhaqan halis ah. Waa caado xun. Waa walaac hor leh.Toban sanadood ku dhowaad oo aan xuquuqal insaanka ka shaqaynayay maanta ayaan ugu walaac badanahay. Dhiiranaanta iyo kakanaanta ay dawladdu wadaa maahaa mid aan hore u arkay.