Faysal Cali Waraabe oo ka hadlay hadalkii Cabdiraxmaan Cabdishakuur ee lacagaha laga aruurinayo Caabduwaaq

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Faysal Cali Waraabe ayaa ka mid noqday dad siyaabo kala duwan uga falceliyay hadal uu habeen hore sheegay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Ergayga gaarka ah ee Arrimaha bini’aadanimada u qaabilsan madaxweynaha Soomaaliya, kaas oo ku jiray sharraxaad uu ka bixinayay in aan si sax ah loo dersin waxa ay ku saleysanyihiin isku dhacyada Soomaalida.

Kulan dadweyne oo ka dhacay magaalada Dhuusamareeb oo ay qabatay Xarunta Cilmi-baarista iyo Wadahadallada Galmudug ee (GRD) loogana doodayay la dagaallanka Al-Shabaab iyo dowlad dhiska Soomaaliya ayaa Cabdiraxmaan Cabdishakuur mar uu ka jawaabayay su’aal la waydiyay waxaa hadalkiisii ka mid ahaa, “Lacagta Caabudwaaq laga aruurinayo ee Khaatumo la geynayo waa in aan ogahay sababta loo aruurinayo oo aan dagaalka inta ka socda ee Shabaabka aan loogu aruurineynin.”

Faysal Cali Waraabe oo shalay ka hadlayay xaflad qalin jabin ah oo ka dhacday magaalada Hargeysa ayaa sheegay in lacagta Caabduwaaq laga aruurinayo ay tahay lacag looga dhex faa’iideysnayo Laascaanood iyo Hargeysa isla markaana la doonayo in iyaga “lagu tirtiro”.

Baraha bulshada ayaan si weyn loogu hadal hayay saacadihii la soo dhaafay hadalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo sidoo kale ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker