Xisbiga WADDANI Oo Qado Sharaf Ku Maamuusay Xildhibaannadda Isbahaysiga Ee Degmooyinka Burco Iyo Hargeysa

Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ayaa Munaasibad qado sharaf ah u sameeyey xildhibaannada ka soo baxay goleyaasha deegaanka ee degmada Hargeisa iyo degmada Burco ee xisbiyada UCID iyo WADDANI.
Munaasibadda waxa lagu shaaciyey musharraxa labada Xisbi isku raaceen ee maayarka caasimadda oo loo doortay Cabdikariin Axmed Mooge halka ku xigeenkana la isla gartay inuu noqdo Khadar Axmed Cumar.
Geesta kale waxa goobta lagu shaaciyey musharrixiinta ay labada Xisbi isku raaceen ee maayarka degmada Burco oo loo doortay Cabdirisaaq Hero iyo Ku xigeenkiisa oo loo doortay Mukhtaar Cabdi Maxamed.
Waxaana sidaas ku dhawaaqay siyaasi Ismaaciil Yare oo ka mid ah Guddida Isbahaysiga labada Xisbi mucaarad ee WADDANI iyo UCID.
May be an image of one or more people, people standing and indoorMay be an image of 2 people, people sitting and indoorMay be an image of 4 people, people standing and suitMay be an image of table and indoor

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker