Magaalada Caasimada u Noqonaysa Maamulka.Hirshabeelle oo Muran ka Taagan Yahay
Muqdisho (OWN) โ Xildhibaan Cismaan Cabdullaahi Dhoore oo ka tirsan baarlamaanka HirShabelle ayaa ka hadlay xaaladda maamulkaasi, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo muranka ka taagan beesha qaban karta kursiga Madaxweynaha.
Dhoore oo la hadlay Idaacadda Mustaqbal ayaa marka sheegay in aan la bedali karin caasimada maamulka HirShabelle ee Jowhar, balse wuxuu tilmaamay in la bedali karo hannaan qaybsiga beelaha kursiga ee Madaxweynaha maamulkaasi.
โWaala bedali karaa cidda u tartameysa kursiga Madaxweynaha, waa mid u furan dhammaan beelaha deegaannada HirShabelle, sida Caasimadda oo kale ma ahan jagadaas cidda qabaneysa oo aan dhinac looga gudbi karinโย ayuu yiri Xildhibaanku.
Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in baarlamaanka uu ansixiyay in Jowhar ay noqoto caasimadda HirShabelle, islamarkaana ay ku taallo Dastuurka maamulkaasi.
HirShabelle ayaa haatan isku diyaarineyso doorashooyin, waxaana dood adag ay ka taagan tahay beesha isku soo sharraxeysa kursiga Madaxweynaha maamulkaasi.
Si kastaba haโahaatee HirShabelle oo ah maamulkii u dambeeyey ee ka aas-aasmay dalka ayaa xilligan wajahaya dhibaatooyin dhaqaale, kuwa amni iyo duruufo kale oo aad u adag.