Kim Jong-un walaashiis: Waa kuma ninka guursaday Kim Yo-jong?
Sannadihii ugu dambeeyay, Kim Yo-jong ayaa si wayn uga soo muuqatay saaxadda siyaasadda iyo hoggaanka caalamka waxayna noqotay shaqsi muhiim ah oo udub-dhexaadna u ah awoodda Pyongyang.
Waa da’da ka yar hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un – waxay dhalatay sannadkii 1987 – waana qofka kali ee ka midka ah walaalihiisa ee ay sida aadka ah isugu dhaw yihiin Kin Jong-un.
Waxaa dhowaanahan isa soo taraya wararka la xiriira in uu guursaday wiil uu dhalay nin xil sare ka haya maamulka Kuuriyada Waqooyi.