Kulan dhanka Telefoonka ah oo dhexmaray Qaar ka Mida Madaxda Somaliland iyo Madaxwaynaha DDSI

Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar Cagjar ayaa kulan Khadka telefoonka ah la qaatay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

 

Kulanka Khadka ee dhexmaray Mustafe Cagjar iyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa waxaa looga hadlay Arrimo kala duwan oo ay kamid yihiin xoojinta Xidhiidhka ka dhexeeya labada dhinac iy adkeeynta xuduudaha labada dhinac si looga hortago faafida Coronavirus.

 

Sidoo kale Madaxweyneyaasha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo Somaliland ayaa ka hadlay hadlay Arrimaha amniga,

“Waxaan xariir lasameeyay madaxwayne muuse biixi cabdi, waxaana kawada hadalnay Arimaha Amniga iyo sidii LA-iskaga kaashan lahaa si looga hortago caabuqa Covid19, loona adkayn lahaa xuduudaha labada dhinac si looga hortago faafida cudurka, Waxaan sidoo kale madaxwaynaha kawada hadalnay, Arinta Samafale Cabdimalik Coldoon” ayuu yiri Musfate Cagjar.

Ugu dambeyn Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar Cagjar ayaa u mahadceliyay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, isagoona sheegay in kulanka uu ahaa mid muhiim ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker