Madaxweynaha Rwanda oo shaqada ka eryay 200 oo askari oo ay ku jiraan saraakiil

Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame ayaa shaqada ka ceyriyay in ka badan 200 oo askari oo ay ku jiraan saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada Difaaca Rwanda ee RDF.

Maj Gen Aloys Muganga oo ahaa taliyaha qeybta makaaniga ee ciidanka xoogga dalka oo soo noqday taliyaha ciidamada keydka 2018 ilaa 2019 iyo Sarreeye Guuto Francis Mutiganda oo madax ka ahaa amniga dibadda ee hay’adda sirdoonka qaranka, ayaa ka mid ah 14 sarkaal oo sarsare oo xilalka laga qaaday lana ceyriyay.

Mr Kagame waxa kale oo uu fasaxay in shaqada laga eryo 116 askari oo darajooyin kale ah waxana uu ogolaaday joojinta qandaraasyada adeegga ee 112 askari, ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay RDF.

War saxaafadeedka ayaan lagu sheegin sababta shaqada looga ceyriyay 244-askari, oo lagu dhawaaqay saaka.

Talaabadan ayaa timid maalin kadib markii Mr Kagame uu isku shaandheyn ku sameeyay saraakiisha ugu sareysa ciidamada, isagoo isku mar shaqada ka eryay wasiirkii gaashaandhiga iyo taliyaha ciidamada isagoo ku dhawaaqay badalkooda arrintan ayaa ah wax aan caadi ahayn oo ka dhaca Rwanda.

Maj Gen Muganga, oo laga soo ceyriyay xilka taliyaha qeybta makaanikada, ayaa ka qalin jabiyay kuliyada dagaalka ee Mareykanka, waxaana uu soo noqday taliyaha ciidamada keydka ah intii u dhaxeysay 2018 ilaa 2019.

Brig Gen Mutiganda waxa uu ahaa madaxa amniga dibadda ee hay’adda sirdoonka iyo nabadsugidda Qaranka (NISS) ilaa 2018 markaas oo Mr Kagame dib loo geeyay xarunta RDF ee caasimadda Kigali.

Isku shaandheynta iyo xil ka qaadista ayaa ku soo beegmaysa xilli ay sii xoogeysatay xiisadda u dhaxeysa Rwanda iyo dalka deriska la ah ee DR Congo oo dhanka galbeed ka xiga, iyadoo dhinac walba uu dhinaca kale ku eedeynayo inuu la shaqeynayay jabhad si dowladda loo rido.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker