Gobolka Florida oo muhaajiriinta u tarxiilaya Gobol kale oo Maraykanka ah

Waaxda Maareynta Degdegga ah ee Gobolka Florida (FDEM) ayaa qiratay door ay ku lahayd laba duulimaad oo maalmihii la soo dhaafay 36 muhaajiriin ah lagu geeyey magaalada Sacramento ee gobolka California.

Duulimaadkii ugu horeeyay oo16 tahriibayaal ah wada ayaa magaaladaas gaaray todobaadkii hore, ka dibna diyaarad labaad ayaa Isniintii timid, taas oo ay la socdeen 20 muhaajiriin ah.

Maamulka California ayaa baaraya in wax sharci ah la jabiyay iyo in dadka la marin habaabiyay.

Florida ayaa sheegtay in dhammaan muhaajiriinta ay si iskood ah u duuleen.

Tani waa qirashadii ugu horeysay ee Florida si cad u qirato tan oodhacday maalmo aamusnaan ah ka dib duulimaadyada.

“Iyadoo loo marayo oggolaansho af iyo qoraal ah, muhaajiriintu waxay muujiyeen inay rabaan inay aadaan California,” Alecia Collins, agaasimaha isgaarsiinta FDEM, ayaa ku tiri hadal ay soo saartay Talaadadii.

Ms Collins ayaa sheegtay in “qandaraasle uu joogay” si loo hubiyo in soogalootiga ay si nabad ah ku gaareen “hay’ado gacan saddexaad ah”, oo loogu magac daray Hay’adaha samafalka Katooliga.

FDEM ayaa sidoo kale baahisay muuqaal laga arkayo gaadiid, kaasoo u muuqday mid muujinaya muhaajiriinta, qaarkood waxay sheegeen in si wanaagsan loola dhaqmay.

Sannadkii hore, Mr DeSantisbarasaabka gobolkan, waxa uu laba diyaaradood oo siday muhaajiriin u diray Martha’s Vineyard, oo ah aagga qaniga ah ee Massachusetts.

Florida iyo ugu yaraan laba gobol oo kale oo uu Jamhuurigu gacanta ku hayo ayaa basas badan oo muhaajiriin ah u diray magaalooyinka ay maamulaan Dimuqraadigu si ay uga mudaaharaadaan siyaasadaha socdaalka ee dawladda federaalka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker