Kenya oo xidhay safaaradeeda Suudaan

Kenya ayaa sheegtay in ay xirtay safaaradeeda Khartuum si ay u ilaaliso shaqaalaheeda,taasi oo albaabada u xiri karta daad gurayn kale oo loo sameeyo dadka rayidka ah.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Kenya Korir Sing’oei ayaa Isniintii sheegay in dublamaasiyiinta Kenya ee ku sugan Khartoum ay soo food saartay khataro dhanka ammaanka ah, taasoo ku qasbaysa dowladda inay xirto safaaradda.

“Waxaan helnaa warar naxdin leh oo ku saabsan beegsiga saraakiisha diblomaasiyadeed ee uga imaanaya kooxaha hubeysan ee iskuhaya Khartoum, Sudan,” ayuu ku soo qoray Twitter.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker