Taliyaha ciidmada Suudan oo Volker Peretz ku eedeeyay in uu hurinayo coolaada Suudaan

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kulan ay yeesheen Jimcihii isku raacay in muddo lix bilood ah loogu kordhiyo howlgalka siyaasadeed ee Qaramada Midoobay ee Suudaan.

Arrintan ayaa timid ka dib markii taliyaha ciidamada Sudan, Abdel Fattah Al-Burhan, uu ku eedeeyay Volker Peretz, ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Suudaan inuu hurinayo colaadda dalkaas.

Qaraarka ayaa tilmaamaya in goluhu si wada jir ah isugu raacay in la kordhiyo howlgalka Qaramada Midoobay ee ku meel gaarka ah ee Suudaan ilaa 3-da December, taasoo ah muddo xaddidan kana turjumeysa xaaladda xasaasiga ah ee Suudaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker