Rabshado dad badan ay ku dhinteen oo ka dhacay dalka Senegal

Ugu yaraan sagaal qof, ayaa ku dhintay iska horimaad dhexmaray booliska rabshadaha ka hortaga iyo dad mudaaharaadayey dalka Senegal, kadib markii hogaamiyaha mucaaradka Ousmane Sonko lagu xukumay labo sano oo xarig ah.

Khasaaraha ayaa waxaa shaaca ka qaaday wasiirka arrimaha gudaha, Antoine Diome, oo xalay shir jaraa’id qabtay, kadib maalin rabshado ah oo dalkaasi ka dhacay.

Diome ayaa sheegay in la xiray Baraha Bulshada, sida Facebook iyo WhatsApp.

Qaar kamid ah iska horimaadyadii ugu xumaa, ayaa ka dhacay koonfurta magaalada Ziguinchor, halkaas oo Sonko uu ka haa duqa magaalada.

Muddada xabsiga – oo lagu xukumay Sonko – ayaa waxay ka hor istaagi kartaa hoggaamiyaha mucaaradka inuu u tartamo doorashada madaxtinimada sanadka soo socda.

Waxaa lagu helay fal anshax xumo ah, laakiin waa lagu waayay kufsi.

Xukunka ayaa la macno ah in lagu helay in uu si anshax xumo ah ula dhaqmay shaqsi ka yar 21 sao.

Eedeymaha ayaa ka timid xarunta dadka looggu sameeyo jimicsi, ama daweynta duugista. Wuxu diiday inuu wax khalad ah sameeyay Sonko.

Dowladda Senegal, ayaa sheegtay in ay qaadi doonto dhammaan tillaabooyinka lagama maarmaanka u ah ilaalinta dadka iyo hantida, ka dib qalalaasaha dhimashada sababay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker