“Xaalka Garxajis oo caawa halkaa taagan, Cirro iyo Faysal wax ay haystaan bil..”

Gabboose qof ahaantiisa waa nin keligii isaga oo kurey ah iyo isaga oo nin weyn ahba, abidkii ilaa caawa meel is ka soo saaray. Soomaali oo dhan wax uu ka mid yahay rag aad u tiro yar oo halgankooda qofeed iyo ummadeed ku guulaystay. Gabboose waa halyey nololeed iyo ummadeed.

Qarankii Soomaaliyeed wax uu u soo shaqeeyay isaga oo sarreeya, haddana waa raggii hadh cad Afweyne ku yidhi “waad dadqalatowday Ina Siyaadow, oo dadkaygii waa ay ku diideen Afweynow”. SNM buu ku biiray oo hormuud ka noqday.

Gabboose mar kale waa raggii dhisay Soomaalilaand, ee dhidibbadeeda taagay, ee weliba waagii Habarhabarta isagu qaatay kaalin sarraysa oo ahayd dhexdhexaadnimo iyo nabadayn. Maalintii nin waliba tolkii la saftay isagu wax uu qaatay isu keenidda dadkii is ku gumoobay, tiisii baana guulaysatay aakhirkii. Suldaan Cismaan Suldaan Cali baa raggaa ka mid ahaa. Gabboose waa ninkii dhisay dhammaan siyaasiyiintii Soomaalilaand soo xukuntay, si umaddu u guulaysato oo loo midoobo. Isaga ayaa dhisay Tuur, Cigaal, Siilaanyo, Muuse (Rayaale?).

Waxaas oo halgan ah abaalgudkeedii qabiilka Garxajis Gabboose wuu ka hiiliyay, oo wax uu u ga hiiliyay niman liita oo aan dagaal iyo nabad midna tolka wax u tarin. Cirro iyo Faysal Baha Iiddoor baa soo xulay si ay u gu dilaan Gabboose iyo rag kale. Xisbiyadii Gabboose furtay oo dhan yaa daaqadda ka tuuray? Yaa se xisbiga Faysal iyo xisbiga Cirro Garxajis ku ciyaarsiiyay?

Xaalka Garxajis oo caawa halkaa taagan, Cirro iyo Faysal wax ay haystaan bil, sida ka muuqata hawlaha Guddida Doorashooyinka Soomaalilaand. Bishan Juun ee bilaabanaysa haddii ay Waddani iyo UCID oggolaadaan doorasho aan ahayn ta madaxtooyada, Garxajis wax uu ku qasban yahay Gabboose, oo ahaanaya madaxweynaha Soomaalilaand (xoog iyo xeeladba), Muuse Cabdalle iyo Cabdi Ciise, Damal Muuse ayay adhiga u raacayaan oo wallaahay. Wuxuba waa bishan Juun iyo halaag ama hayn.

Axmed-Hawd

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker