Qarax is-miidaamin ah oo goor dhowayd ka dhacay magaalada Muqdisho

Muqdisho (OWN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha dhashay qarax is-miidiin ahaa oo goor dhow ka dhacay qeybo ka mid ah Muqdisho.

 

Qaraxa oo ahaa mid aad u xoogan, islamarkaana jugtiisa laga maqlay qeybo badan oo ka mid ah caasimada ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay afaafka hore ee xerada tababarka Turk-Som oo ku taalla degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

 

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa lala bartilmaameedsaday saraakiil cusub oo tababar loo qaadayey, iyadoona la soo wariyey inuu fuliyey qof naftiis halige ah.

 

 

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in la toogtay is-miidaamiyaha ka hor inta uusan dhex-gelin dhalinyaro saf ku jiray oo leyli saraakiil loo diyaarinayay.

 

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana socda gurmad loo fidinayo dadka ay waxyeelada ka soo gaartay qaraxaasi.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker