Dhinacyada Isku Haya Awooda Libya oo Xabbad joojin Wada-jir ah Gaadhay

Khalifa Haftar oo ah Ninka Dagaalka hubeysan kaga soo Horjeeda Xukuumadda Libya ee Qaramada Midoobe Aqoonsan tahay ayaa isna ku dhawaaqay in uu xabadda joojiyay.

 

Ra’isulwasaaraha xukuumadda Libya Fayez al-Sarraj ayaa sheegay in xabad joojintu ay bilaabaneyso Saqda dhexe ee caawa, hase ahaatee ay Xukuumaddiisu xaq u leedahay iney iska difaacdo haddii la soo weeraro.

 

Sarraj ayaa sheegay inuu xabad joojintan aqbalay isaga oo ka jawaabaya baaqa ka yimid madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan iyo madaxweynaha Russia Vladimir Putin.

 

Erdogan iyo Putin ayaa ku baaqay xabad joojinta ka dib kulan ay Arbacadii ku yeeshay magaalada Istanbul.

Turkeyga ayaa kulankaasi ku  codsaday in Russia  ka dhaadhiciso Jeneral Haftar inuu Aqbalo xabbad joojinta.

Xukuumadda Ankara ayaa ciidamo kooban oo militari ah u daabushay Libya bishan Jeeniwari si ay u caawiso xukuumadda Libya ee fadhigeedu yahay caasimadda Tripoli.

Russia ayaa dhankeeda la aamminsan yahay iney si aad ah u taageerto ciidamada Jeneral Haftar kaasi oo ay sidoo kale taageeraan dowladaha Imaaraatka Carabta iyo Masar.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker