Gaboose, Rar kama daalo, iyaguna kama daayaan!

Gaboose, Rar kama daalo, iyaguna kama daayaan!

Sanadkii 1997 waxa dhenged ka dhigtay Alle haw naxariistee Mohamed Xaaji Cigaal, kadib wuu tuuray markii uu ku gaadhay ujeedkiisi ahaa Beesha Gaboose oo berigaa beelaha kaloo dhammi la dagaalameen in hubka laga dhigo. Ujeedkiisi Cigaal kolkuu gaadhay Gaboose banaanka ayuu u tuuray.

Sanadkii 2002, oo Somaliland laga hirgalinayey nidaamka Asxaabta faraha badan waxa loo furay urur siyaasadeedkii Sahan oo ay dabada ka riixayeen rag ay kamid ahaayeen Muuse Biixi oo ururkaas Sahan gudoomiye kuxigeen ka noqday. Ujeedka Sahan loogu furay ayaa ahaa inaan Siyaasi beeshiisa kasoo jeeda oo laysku raaci karaa aannu Xisbi furan.

Markii taasi hirgashay ee furistii ururadu xidhmeen Gaboose waxaa maalin cad ka dareeray Muuse Biixi iyo kooxdiisi oo ku biireen Udub iyo Kulmiye. ugu dambayna sidaas ayuu ku hadhay Ururkiisi loo furay.

Sanadkii 2007, waxa markale soo rartay koox ay kamid ahaayeen Mohamed Xaashi Cilmi, Muuse Biixi iyo Ibraahim Cabdi, waxaana loo furay Urur siyaasadeed Qaran layidhaahdo oo la doonayey inuu la dagaal galo Daahir Rayaale Kaahin. Ujeedkii loogu aasaasay ururkii Qaran markii la gaadhay waxa uu ku biiray Xisbigii Kulmiye.

Kulmiye waa Guulaystay, Madaxweyne Siilaanyo na wuxuu siiyey Gaboose Wasiirkii Arrimaha Guddaha. Mudo kooban waxaa isku dhacay Ahmed Siilaanyo iyo Muuse Biixi. Markale Gaboose oo wasiir ah ayaa Muuse Biiixi iyo kooxdiisi ku qanciyeen inuu iscasilo lana dagaal galo Madaxweyne Siilaanyo.

Gaboose waa iscasilay, Siilaanyo oo ku maqan dalka dibbadiisa. Wuxuuna wasiir ahaa mudo bilo ah.

Sanadkii 2012, waxaa la furay tartankii Urur siyaasadeedyada. Abdirahman Mohamed Abdillaahi (Cirro) wuxuu ku dhawaaqay urur Siyaasadeedkii Waddani.

Isla sidii oo kale ayaa Gaboose dhabarka lasoo taabtay waxaana lagu yidhi adiguna furo Urur siyaasadeedkii lagu dili lahaa Abdirahman Cirro. Wuxuu furtay urur uu markan u bixiyey (Ummadda).

Nasiib daro talada waxa hayey Ahmed Siilaanyo iyo adeegayaashiisi oo qaarkood ay isku seegeen Muuse Biixi dhibaatadii uu Siilaanyo u gaystay guushii kulmiye kadib iyo sidii uu faraqa ugu dhegay Muuse, si’uu Siilaanyo ugu wareejiyo Gudoomiyenimada Xisbiga Kulmiye.

Markan ujeedkii Gaboose loogu furay Urur Siyaasadeedka cusub waa fashilmay waxaana soo baxay Cabdiraxmaan Cirro iyo Xisbiga waddani.

Gaboose, markale waa kan u adeeg isleh Muuse Biixigii oo wakhtigii ka dhammaaday, gacmaha dhiig ku leh oo gabal baad u dumay.
Muuse isma beddelin oo shaqadiisi cid u qabata ayuu rabaa, Macal Asaf Gaboose na isla shaqadii 1997, 2002, 2007, 2012 ayuu diyaar u yahay inuu 2023 markale u qabto ciduu usoo adeegi jiray.

Dhawaan, 1/05/2023 waxa uu Odayaasha Garxajis Balan ugu qaaday inaanu markan yeelayn in lasoo rarto iyo inuu arkay heerka dadweynaha uu kasoo jeedaa ay taagan yihiin.

Ugu dambayn, Bahal Ceedhin ma daayo Ninna caadadii ma baajee, Markale Gaboose isla bishan 23/05/2023 ayaa kooxdii uu hayinkooda soo ahaa ee Muuse odayga u ahaa ay u kaxeeyeen Jabuuti, waxaana dib loogu soo qanciyey in laga maarmi waayey rarashadiisi. Dee waa kaa caawa isagoo Madluunsan muuqaal laga soo duubay oo yidhi “Doorasho Madaxweyne dhici mayso iyo Rarashadii diyaar baan u ahay”

Wax aad Waaliftoo, Wed kaa helin
Ka waantoobay, Waa war loo noqon

Hadduu ogaan lahaa halka xaal taagan yahay waxaas ummadda lama hor yimaadeen.

@ Cabdirisaaq Terra

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker