Hogaamiyaha TPLF oo war cusub soo saaray

Hogaamiyiha jabhadii hore ee Ethiopia, Tigray People’s Liberation Front (TPLF), Debretsion Gebremichael, ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo qabto doorasho ka dhacdo gobolka Tigray.

Waxa uu sheegay in maamulka ku meel gaarka ah uu maamuli karo oo kaliya inta u dhaxaysa lix bilood ilaa sanad, iyadoo la raacayo heshiiskii lagu galay Pretoria ee dalka Koonfur Afrika, sida uu ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook Isniintii.

Debretsion ayaa ku nuuxnuuxsaday in ay qasab tahay in shacabka Tigray ay hogaamiyaan madax ay iyagu doortaan.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka ku meel gaarka ah oo ku aadan hadalka gudoomiyaha TPLF.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker