“Muuse Biixi, waa madaxweynihii ugu fashilsanaa ee soo mara Somaliland 32 sanno ee ay jirtay.”

W/Q xoghayaha Caddaaladda Xisbiga WADDANI Yoonis Axmed Yoonis

Muuse Biixi, waa madaxweynihii ugu fashilsanaa ee soo mara Somaliland 32 sanno ee ay jirtay.

Fashilka Muuse Biixi qodobadan, ayaa markhaati ka ah, waana waxyaabaha ay isku casilaan hoggaamiyeyaasha damiirkoodu nool yahay ee garanaya masuuliyadii loo doortay in ay ku fashilmeen.

1. Dalkii iyo dadkii loo dhiibay oo kala irdhoobay, oo ay dagaalo ka soconayaan kuwana maamul kale doorasho ka qabanayaan oo ah fashilkii ugu weynaa ee ay Somaliland wajahayso.

2. Wuxuu ku fashilay inuu xal u helo xaaladda Laascaanood, oo maanta calaankii Somalia ka babanayo, wuxuu fogeeyey shacabkii Gobolkaas oo siyaasadda xumadiisu keentay xaaladda maanta taagan

3. Midnimadii shacabka Somaliland oo uu dhaawacay, nidaamkiisu markii hoggaamintiisu keentay kala qaybin bulsho oo gaadhay heerkii ugu sareeyay

4. Wuxuu ku fashilmay inuu dalka doorasho ka qabto wuxuna doorashadii laga sugayey ka doorbiday muddo kordhin.

5. Maamul xumada Muuse Biixi waxay keentay dhaqaale xumo baahsan oo soo wajahday dalka, sida uu isagu ka hor qiray Barlamaanka.

Si kastaba ha ahaatee Muuse Biixi, madaxweynaha muddo kordhinta ku fadhiya kursiga waxa uu god dheer ku riday nabadii Somaliland adduunka ka iibin jirtay, dimuqraadiyaddii lagu majeeran jiray, xasiiloonidii siyaasaddeed ee ay caanka ku ahayd, dhaqankii isu tanaasulka, iyo ku dhaqanka sharciga oo uu ku beddelay doonistiisa gaarka ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker