2020-2030: Soo dhawaynta Dajaal oo si badheedh ah u bilaabmaysa

Ciyaarta dahsoon iyo fajiyada lagu maleegayo daaha dabadiisa ee iblays iyo kooxihiisu Adduunyada ka wadaan, wararka been abuurka ah ee maatida iyo maxasta indhaw-araga ah lagaga xaraabaysanayo; waxa fahmi kara uun qof si fiican uga bogtay (Agenda 21).

Billgates baa saadaaliyay xanuunkan COVID19, waa waxa laguu yeedhiyay ee maad ogtahay, talaalka uu u diyaariyay in lagu xasuuqo dadka dunida ku nool oo la sameeyo dad-yarayn (Depopulation)

Waxa la rabaa in la fuliyo 10 sanno gudahood fajiyo waawayn oo aanay suuraysan karin quluubta dhammaan dadweynaha dunidu marka laga reebo in yar oo wax baadhay mooyaane!

2012 wixii ka horreeyey may jirin dhallinyaro inala nool oo shaki galiya Diinta Islaamku, balse sannado yar gudahood wax caadiya ayaa ay iska noqotay in la arko qof Soomaali ah oo Diinlaawe ah!

Ugama baqayo bulshadayda xanuunkan la sheegayo balse waxa aan uga baqayaa fajida ka danbaysa isla xanuunkan la faafiyay!

 

F.G: xogo muhiima haddii aad rabto, baadh (Agenda 21) ee ay UN-tu qorshaysay, daawo filimaanta  -Mesiah iyo New World Order

Wixii ay inoo maleegayaan Alle sharkooda ha ku celiyo iyaga!

 

Xamse Siciid Maxamed “Tudhaale

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker