Dowladda Mali oo dalka ka Saartay Safiirka Faransiiska

Mali ayaa Isniintii sheegtay inay ceyrineyso safiirka Faransiiska kadib hadallo “cadowtinimo ah” oo uu jeediyey, tallaabadaas oo sare usii qaadeysa xiisadda kala dhaxeysa dalka horey u gumeysan jiray.

War-saxaafadeed laga akhriyey taleefishinka qaranka ayaa lagu yidhi “Safiirka Faransiiska ee Bamako, Mudane Joel Meyer… waxaa lagu wargliyey go’aanka ay dowladda ku weydiisaneyso inuu dalka uga baxo 72 saac gudahood.”

Tallaabadan ayaa su’aalo cusub gelineysa taageerada Militari ee Faransiiska uu siiyo dalka Mali, oo dagaal socda 10 sano ka badan kula jira kooxo Jihaadiyiin ah.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Faranasiiska ayaa bayaan kooban oo ay soos aartay ku sheegtay “inay ka war-hayso qoraalka” waxayna intaas ku daray inay ku garab taagan tahay saaxiibadeeda Yurub iyo xulufadeeda howlgallada ka dhanka ah Jihaadiyiinta.

“Hadalladan waxay su’aalo gelinayaan sharci ahaanshaha iyo sharcinimada maamulka safiirka Faransiiska aqoonsaday,” waxaa sidaas yidhi wasiirka arrimaha dibedda Mali Abdoulaye Diop oo la hadlay taleefishinka qaranka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker