kenya oo sheegatay inay 6 Shabaab ah ku dishay Gaarisa

Isku Duwaha dhanka amniga Kenya u qaabilsan gobolka Waqooyi Bari, Nicholas Ndalana, oo sheegay dhimashada dagaalyahanadan, ayaa sidoo kale sheegay in ciidanka amniga ay gacanta ku hayaan dagaalyahan kale.

 

 

Mr Nicholos ayaa intaa raaciyay in dagaalyahanka ay Hayaan uu qabo dhaawac ka soo gaadhay howlgalkan, ayna daweynayaan si uu ugu fududeeyo baadhitaano la xidhiidha Qorshayaasha Al-Shabaab.

 

 

Sargaalkan ugu sareeya ciidanka Amniga Kenya ee gobolka ayaa sidoo kale tilmaamay in dagaalyahan kale oo dhaawac qaba uu ka baxsaday,  howlgalka Aroornimadii hore ee saaka ay ciidanka ka sameeyeen deegaanka Jirole, ayna baadi goob ugu Jiraan.

 

Dhacdadan ayaa imaaneysa laba maalin uun kadib markii ururka Al-Shabaab ay saddax qof ku dileen weerar ka dhacay Ismaamulka Mandera, sidoo kalena ay afduub u geysteen muwaadiniin Kenyan ah oo ku safrayay waddada dheer ee isku xidha gobalka Waqooyi Bari.

 

 

Kooxda Al-Shabaab ayaa sanadkan 16 qof weeraro kala duwan ugu dilay dagmooyinka Lamu, Garissa iyo Wajer, ayaga oo sidoo kalena sababay burburr hantiyadeed.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker