Maanta oo kale. 28.MAY.1988 Iyo Muj.Maxamed Faarax Dalmar ”Maxamed Cali” 

Maanta oo kale 31 sanno ka hor
Muj.Maxamed Faarax Dalmar ”Maxamed Cali”  oo ah mujaahidka  sawirkiisu idiin muuqdo, ayaa ciidamo uu wato oo 200 ku dhow wuxuu galay meesha la yidhaahdo Dabis. Sababta ugu weyn ee ciidanku meeshaas u galayna waxay ahayd inay joojiyaan gurmadkii ciidamadii dawladda ee Hargeysa ka baxaayey kuna socday Burco oo markaa SNM-tu haysatay. Mujaahidka iyo ciidamadii la socdayba inay gurmadkaas joojiyaan ayey ku guuleysteen.

Galabnimadii Jimce 28-may 1988 , Tuulada Waaba-caddo oo 25 Km ka saraysa Xuduudka Somaliland iyo Itoobiya , Waxa kasoo dhaqaaqay Guutadii la odhan jiray Sayd Cumar Barri, Guutadaas oo ahayd Guutaddii Wacdaraha ka dhigtay Dagaalkii Cabdi Yuusuf 15- April 1988 , ee gacanta ku dhigtay Cajaladii ay duubeen ciidamadii Taliskii Maxamed Siyaad Barre ee uu hogaaminayay Gen Maxamed Siciid Xirsi Moorgan , dagaalkaas Cabdi Yuusuf oo ay isku maalin dhaceen , dagaaladii kale ee Faqashtu ku qaaday , Tuulooyinka Burco Goobo ,iyo Qabri-macalin , kuwaasoo dhamaantood ay ku guuldaraystay .

Ciidankan oo ka koobnaa 220 Mujaahid , Waxaa Taliye u ahaa , Mujaahid Maxamed Faarax Dalmar
( Maxamed Cali )
Abaan-duulihiisuna wuxuu ahaa Xasan Dayax , Sarkaalka Hawl-gelintuna Cabdi Xaashi Cali wayd .
Sidoo kale Ciidankan Waxaa la socday Saraakiil badan oo isugu jirtay rayid iyo Mileteri ka tirsanaa Jabhadii SNM , kuwaasoo ay ka mid ahaayeen :-
1- Ismaaciil Xaaji Cabdi ( Ex Directar Radio Hargaisa , BBC Journalist iyo maareeyihii Warshadii mareeray ) .
2- Axmed Daahir , Sarkaal Ciidan , Aqoon yahan clime baadhe ah oo afaf badan ku hadli jiray .
3- C/raxmaan Axmed Cali ( C/raxmaan Colmadow) sarkaal iyo ganacsade .
4- Cayiid Xirsi Caga-jar , Halgamaa waayo arag ahaa .
5- C/laahi Xeero , Halgamaa magac waynaa .
6- Shabac Koosaar Halgamaa caan ah iyo qaar kaloo badan.
Ciidankani wuxuu watay 6 Baabuur oo kala ahaa .
– Beebee SNM qabsatay Dagaalkii Cabdi Yuusuf , Wadane ka ahaa Muj Guuleed Kaahin .
– Toyota Land Cruiser ,uu lahaa Muj Maxamed Cali , wadana ka ahaa Buraale Shamaale .
– Toyata TX , uu lahaa Nin magaciisa ugu soo gaadhay , Canfarta .
– Toyata Nissan . Xuseen Cali Nuur .
– Toyata Nissan C/raxmaan Axmed Cali ( Ina Col madow )
– Toyata Issue Muj Xuseen Fardo-wade .

Khudbadii Maxamed Cali & Jawabtii Muj Weli .

Ciidanku markuu diyaar garoobay , waxaa khudbad qiiro badan oo isugu jirtay , warbixin ciidan , waano iyo wax u sheeg u jeediyay Taliyahii Ciidanka Maxamed Cali , markii uu hadalka dhameeyay Waxaa u jawaabay Mujaahidka la odhan jiray Weli dhawaan Hargaysa shil baabuur ugu geeriyooday , waxaanu yidhi ‘’ Maxamed Caliyoow Anagaa Faqashta ku qarxaynee noogee “ Halkaas ayaanu kula baxay naanaystan oo uu caan ku noqday intii dambe o odhan .
Ciidankani wuxuu guure iyo galab carow kasoo bilaabay Tuulada Waabo-caddo , waxaanu soo maray Masaafo ku dhaw 150 Km , Hawl-galkiisana wuxuu ka bilaabay Tuulada Axmed Buur oo geedista Koonfureed kagga began Tuulada Dhubato eek u taala wadada Hargaysa iyo Berbera .

Ciidankaasi wuxuu ku guulaystay inuu la wareego wadada isku xidha Hargaysa iyo Berbera , waxaanu hakiyay gurmadkii ku socday Magaalada Burco , iyadoo halkaas dagaalo qadhaadh oo kululi ku qabsadeen .

Hadalkii ugu danbeeyay :- Markii xaaladu kululaatay Ciidanku wuxuu dib ugu soo gurtay Buuralayda Dooxa Dabis , waxaana Ciidamadii Xukuumadu kaga yimaadeen 4 jaho , markii xaalkku halis gaadhay ,waxaa ciidanka la hadlay Maxamed Cali waxaanu ku yidhi :-

‘’ Cadowgu wuxuu idinka xigaa hortiina , hareerihiina iyo halkii aad ka timaadeen oo ah dabadiina dhinac waliba waa geeri , sidaa darteed waxaan idin leeyahay Nin walowba baabuurkaaga Gub si aan cadawgu ula wareegin , ninkii la bixi karayowna way ku banaantahay .

Hadalkaasi markuu dhamaaday 3 nin ayaa baaburtii ay wateen damcay inay la dhex jibaaxaan Ciidanka Dawlada ee fadhiya Dabis ilaa Daba-goroyaale oo isu jirra 120 Km , 3 nin oo kala ahaa

– Guuleed kaahin oo watay Baabuurkii Beebaga ahaa .
– Buraale shamaale oo waday Baabuurkii Taliyaha .
– Xuseen Cali Nuur oo watay Baabuur ah Toyota Nissan .
Baabuurtii kale Siddii Taliyuhu soo jeediyay waa la gubay , nin mujaahida oo sheekadan iiga sheekayay wuuxu yidhi , Xuseen Fardo-wade alle ha u naxariistee baabuurkiisii ayuu kala soo degay Caagad , ka dibna wuu gubay maalintii oodhana Caagadii baanu biyo ku wada cabaynay .

3 Baabuur ee damcay inay Cadowga jiidhaanba way jiidheen , hassa yeeshee Beebaga oo ugu horeeyay wuu qalibmay nasiib darro , Dareewalkina wuu ka badbaaday , Baabuurkii Taliyuhu isna wuxuu kagga Shidaal beelay Buraale Meel dhexe , Nasiib wanaag Cumar Cali Nuur oo imka Hargaysa joogaa isagu baabuurkiisa wuu la talaalabay beryo dhawaydna wuu watay . mar uu sheekadan nooga sheekayayna wuuxuu yidhi “ Shookanta intaan hoosta ka galay ayaan wadada uun ku hagaajinayay , Xabaduna waxay hareerahayga uga soo dhacaysay dhibcaha Roobka , hassa yeeshee waxaan goostay in marka aan dhinto uun baabuurka la qaato ‘’ Geesi alle ma xilo .

Maalintii 28- May 1988 waxaa labada Dhinac ee Jabhadii SNM iyo Ciidankii SNM kala gaadhay dagaal la isku birjabay , waxaana Ciidankii SNM u suurta gashay inay joojiyaan ciidamadii Gurmadka ahaa ee u socday Burco , iyadoo Diyaarado iyo madaafiic culus loo adeegsaday furista wadadan hassa yeeshee laggu guulaysan waayay .

Maalintaa Ciidanka SNM waxaa ka dhintay 10 Mujaahid , oo ay ka mid ahaayeen :-

1- Muj Ismaaciil Xaaji Cabdi oo ahaan jiray Maamulihii horre ee Radio Hargaysa , Weriye Horre Idaacada BBC , Maareeyihii Warshadii Mareeray , Xoghayihii Warfaafinta ee SNM , ahaana nin caana oo aad loo yaqaanay .

2- Muj Sayn , oo ahaa Abwaan iyo Hal-abuur cajiiba oo ahaa ninkii Saylada Hargaysa inta loo diiday inuu Maqaaxi ka samaysto geed fuulay ee yidhi , Hadii dhulka la ii diiday geed baan fuulayaa , ka dibna tiriyay heestan :-

Hargaysa oo hawda baan geel ku hayn jiray ,
Heegada nirgahaa ku hadhi jiray ,
Hadhimada shacabkaan ku cuni jiray ,
Halaye beeshoo hagaag u degtiyo ,
Hasaawena u tagay hindaya land .
Calankaan u dhinteen u hawlgalay ,
Helaye maxaan ku haystaa .

La soco Xuska maalmaha soo socda ee 29- May iyo 31 May 1988

Alle ha naxariisto shahiid Maxamed Cali, oo dhawr usbuuc ka dib hawlgalkaas ku shahiiday duleedka Burco. Faataxada haloo maro waa bil ramadaane shuhadada.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker