Hal wiil oo ku dhintay Dhaam ku yaala Degmada Waraabeeye

Alle ha u naxariistee hal wiil ayaa ku dhintay Dhaam ku yaala Degmada Waraabeeye oo 80 KM dhanka Koonfureed ka xigta magaalada Burco.

Ciidanku wuxuu degdeg ugu baxay goobtaas,baadigoobna u galay soo saarista Maydka waxaana Ciidanku Baadigoobkaa iyo soo saaristaasi marxuumka oo dhoobada hoose ee Balligu ku dhagtay ku raadjoogeen Inay helaan.

Gabagabadiina waxaa Ciidanka Dabdemiska Burco ku guuleysteen Balligana ka soo saareen maydka marxuumkaas iyadoo halkaa ay goobjoog ahaayeen ciidanka Booliska gaar ahaan laanta dambi baadhista iyo gaadhiga ambalaaska.

Ugu dambayn ciidanka Dabdemisku wuxuu fariin u dirayaa markastabana shacbiweynaha Somaliland ku adkaynayaa In ay ka digtoonaadaan xilli roobaadyada Dooxyada,Balliyada,Xadhkaha laydhka iyo dhamaan wax kastoo Khatar ku ah nafta iyo maalka muwaadiniinta.

Ciidanka Dab-demisku wuxuu tacsi u dirayaa qoyskii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxay marxuumku Samir iyo iimaan saadiqa ilaahay haka siiyo.

Hadii aad u baahato gurmad degdega soo wac 990 Gurmadka Degdega ah oo aad ka heli karto shirkadaha Telesom/ Somtel.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker