Daawo: Wararkii ugu Dambeeya ee Ciyaaraha ,, PSG oo Ogolaatay inuu Neymar dib ugu Laabto Barcelona,,

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa warkii ay sugaysay ka heshay PSG, waxaanay fursad u haysataa inay dib ula soo noqoto laacibka reer Brazil ee Neymar ee ay muddada dheer daba socotay.

 

 

Kooxda reer Spain ayay ka go’an tahay inay Camp Nou kusoo celiso Neymar si uu xal ugu noqdo dhibaatada haysata kooxdaas xilli uu Lionel Messi oo ahaa xiddiga ay ku tiirsan tahay uu khilaaf kala dhexeeyo maamulka, isla markaana qaab ciyaareedkiisa la sheegayo inuu hoos uga soo dhacay halkii uu taagnaa.

 

Xagaagii hore, Barcelona waxay isku dayday inay Neymar kusoo celiso Camp Nou, hase yeeshee PSG ayaa dhegaha ka furayasatay iyadoo gaadhi kari weyday fursaddii kali ahayd ee ay kula saxeexan lahayd oo ah inay bixiso lacagta uu sharcigu u ogol yahay Neymar inuu bixiyo si uu u burburiyo heshiiska kooxdiisa.

 

 

Kooxda horyaalka Faransiiska haysata ee PSG, waxay khaati ka taagan tahay xiisaha Barcelona ee aan dhamaadka lahayn iyo Neymar oo mar walba u hanqal taagaya inuu halkaas ku laabto, waxaana ugu dambayntii ay ogolaatay inay albaabada ka furto, laakiin haddana Barcea ayaan awoodi doonin inay fuliso, marka laga duulo dhibaatada dhaqaale ee uu sababay xanuunka Coronavirus.

 

Daawo: Wararkii ugu Dambeeya ee Ciyaaraha ,, PSG oo Ogolaatay inuu Neymar dib ugu Laabto Barcelona,,

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker