Hanaanka hubinta baasaboorada e-gates ee garoommada UK oo aan shaqeeyneeynin

Dadka rakaabka ah ee usoo duulaya UK ayaa la kulmaya dib u dhac ka jira habka lagu koontaroolo baasaboorka maadaama uusan shaqeynin habka hubinta online e-gates loo yaqaan guud ahaan dalka oo dhan.

Dhibaatadan oo ka jirta garoomada diyaaradaha, oo ay ka mid yihiin Heathrow, Manchester iyo Gatwick, ayaa bilaabatay habeenkii Jimcaha.

Xafiiska Arimaha Gudaha (Home Office) waxa uu sheegay in ay la shaqaynayaan shirkadaha diyaaradaha iyo hawl-wadeennada dekedaha si loo yareeyo carqaladaynta “dhibaatada ka jirta nidaamka xuduudaha dalka oo dhan.”

Ururka shaqaalaha ayaa ka digay in safaf dhaadheeri ay si degdeg ah u sameysmi karaan .

Dhammaan garoomada diyaaradaha ee dalka ee isticmaala albaabada e-gates ayey arintani saameyn ku yeelatay, taasoo la micno ah in dadka soo galaya UK ay tahay in gacanta lagu hubiyo baasaboorkooda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker