Madaxweyne Farmaajo Oo Xilkii Ka Qaaday Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Gobolka Banaadir

Madaxweynaha dowadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa mas’uuliyiin cusub u magacaabay Guddoomiyeyaasha Maxkamadda gobolka Banaadir iyo Maxkamadda Racfaanka gobolka Banaadir.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xilka Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir u magacaabay Garyaqaan Cabdikhadar Maxamed Xasan oo ku takhasusay Shareecada iyo Qaanuunka, isagoo xilkaas ka qaaday Garyaqaan Muuse Macallin Maxamed oo soo hayey tan iyo Luuliyo 2018-kii.

Sidoo kale, Garyaqaan Maxamed Axmed Cismaan ayaa Madaxweyna Soomaaliya u magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir, waxaana xilkaas laga qaaday Garyaqaan Abshir Cumar Cabullaahi.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku adkeeyey Guddoomiyeyaasha uu magacaabay in ay dhawraan sarraynta sharciga, si simanna ugu adeegaan bulshada Soomaaliyeed.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker