Isbahaysiga uu hogaamiyo Sucuudiga Oo Dilay Hogaamiyahooda Xuutiyiinta Yemen Walaalkiis

Falaagada Xuutiyiinta ee dagaalama gudaha dalka Yemen ayaa sheegay in isbahaysiga uu hogaamiyo Sucuudiga ay dileen hogaamiyahooda walaalkiis.

 

Wasaarada arimaha gudaha ayaa dhankeeda sheegtay in dilka loo gaystay Ibrahim Badrudin Al-Houthi ay sidoo kale ka qayb qaadeen dowlaha Mareykanka iyo Israel.

 

Kooxda Xuutiyiinta ayaanan wax faah faahin ah ka bixinin waqtiga ladilay Ibrahim Badrudin al-Houthi oo la dhashay hogaamiyahooda Abdul-Malik Al-Houthi.

 

Colaada Yemen oo bilaabatay sanadkii 2014โ€™kii ayaa isbahaysiga uu hogaamiyo Sucuudiga waxa ay ku soo biireen bishii March ee sanadkii 2015โ€™kii.

 

Waxaana lasheegay tan iyo waqtigaasi in colaada Yemen ay ku dhinteen kumanaan qof yadoona 85,000 oo caruur ah ay halis ugu jiraan in ay macluul u geeriyoodaan sida ay Qaramada Midoobe sheegtay.

Ibrahim Badrudin al-Houthi

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker