Madaxweyne Ku-xigeenkii Hore Oo Xukuumadda U Soo Jediyey Talooyin

Hargeysa (OWN)-Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin,ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka, waxaanu ku taliyey in laga feejignaado wax kasta oo fidno abuuri kara.

 

 

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika, ayaa ugu horeyn isagoo ka hadlaya bisha ramadaan yidhi “Bishan Ramadaan waa bisha ugu fadliga badan 12 bilood ee sannadkii, waa bishii khayrka ugu badan la shaqeeysanayey, waa bishii sadaqada, waa bishii uu ku jiray habeenka ugu khayrka badan, ciddii uu ALLE ka aqbalo, ALLE ha inaga dhigo kuwii ka aqbalo,

 

 

 

markaas waxaan ALLE inooga baryayaa inuu bogeena burcad isku mariyo, oo roobabkaas aynu rajaynaynay ee teel-teelka u da’y  ha inooga dhigo roob khayrkiisa iyo nimcadiisa wata, dadka wax haysatana waxaan kula talinayaa inay wax bixinta iyo sadaqada la baxaan, oo dadka masaakiinta ah ay wax siiyaan, ALLENA ha inoo naxariisto”.

 

 

Mar uu Xukuumadda u diraayey talooyin ku waajahan Siyaasadda Arrimaha Guddaha ayaa yidhi “Dalkeena tacab baynu galinay, oo heerka aynu maanta marayno, dadaal iyo wada jir baynu ku soo gaadhnay, markii aynu dib ula soo noqonay xoriyadii inaga luntay, heerka aynu maraynay, iyo heerka aynu maanta marayno wax isku dhaw iyo wax la is barbar dhigi karo maaha, ee  halkii aynu maanta hore ugu socon lahayn, maaha inaynu dib u socod bilawno, ee waxaa la inooga baahan yahay inaynu amaankeena iyo xasiloonideena ilaashano,

 

 

 

waxaa la inooga baahan yahay in qof kastaaba halkiisa ka ilaaliyo amaanka, waxaa la inooga baahan yahay in wax kasta oo qofku arko, oo khatar ku ah amaanka inuu Dawladda iyo Ciidanka la soo socodsiiyo, waxaa la inooga baahan yahay inaynu ixtiraam siino Ciidamadeena kala duwan ee dalka difaacaya, ee hadh iyo habeenba heeganka inoogu jira, Dawladdana waxaa looga baahan yahay inay gacan bir ah wax kaga qabato cid kasta oo fidno,

 

 

 

amaan daro iyo colaad abuuraysa,  Dawladda waxaa looga baahan yahay inay ka hor tagto khatar kasta oo la doonayo in masiirka dalka iyo dadkaba wax lagu  yeelo,waxaa dhab ah inay Dawladdu mar walba diyaar u tahay inay sugto amaanka dalka iyo dadkaba,oo marnaba raali ka noqon mayso in amaanka wax yeelo soo gaadho, oo waan ku hambayeynayaa hawlgalka ay ku soo qabatay raggii Labada Sarkaal dilay”.

 

 

 

 

 

Mar uu ka hadlaayey Siyaasadda Arrimaha Dibadda ayaa yidhi “Marka hore Calankeenu waa Tawxiidka, Tawxiidka ALLENA waligi idhici maayno, mar haddii calankeenu uu Tawxiid yahayna,  cid kasta oo ku fikirta inuu calankeenu dhaca, waa cid iska hadashay, markaas Beesha Caalamka waxaynu nahay iyo waxaynu qabsanay wey ka war qabaan, weyna ka dharagsan yihiin,Beesha Caalamku si buuxda ayey uga war hayaan inaynu nahay dal madax banaan,

 

 

 

 

oo iskii u taagan, oo waliba Somaliya uga horeeyey Calanka, Xukuumaddihii dalka u kala dambeeyeyna midiba heer bay soo gaadhsiiyey qadiyada dalka, iyo xidhiidhka aynu Caalamka ka leenahay, Xukuumaddana ilaa hadda si fiican ayey u wadda Siyaasadda Arrimaha Dibadda iyo Xidhiidhka aynu la leenahay Caalamka, ee waxaa looga baahan yahay Xukuumadda inay dadaal aad u xoogan galiso qadiyada aqoonsi raadinta Somaliland, waana inay cid kasta oo wax inagaga xidhan yihiin xidhiidh la sameeysaa, dabcan Somaliya oo aynu kala ahayn laba oo maantana kala nahay weynu kala soconay, ee waa inaynu Caalamka u soo bandhignaa jiritankeena dawladnimo,dalnimo iyo dadnimo, ilaa haddana waxaa dhab ah waxaynu qabsanay in aanay qabsan dalal badan oo haysta aqoonsi buuxa, markaas aqoonsigaas inaga dhiman ee Caalamka inagaga xidhana weynu heli doonaa insha allaah”.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker