Koonfur Afrika oo cadaadis kala kulantay, xiriirkooda Ruushka

Dawladda Koonfur Afrika ayaa cadaadis xooggan kala kulmaysa, ka dib markii ay diiday inay sii dayso macluumaadka ku aaddan, markab xamuul ah oo laga leeyahay dalka Ruushka, kaas oo Maraykanku uu ku eedeeyey inuu shixnad hub ah u sido Moscow.

Dhinaca kalena, sarkaal sare oo ka tirsan xisbiga talada dalkaas haya oo ka hadlayey dareenada ku xeeran xidhiidhka dalkoodu la leeyahay Ruushka ayaa sheegay in xisbigoodu uu soo dhoweynayo safar uu dalkaas ku yimaaddo madaxweyne Putin, kaas oo maxkamadda caalamiga ah ee dembiyadu ay ku soo oogtay dacwado.

Dalka Koonfur Afrika oo ka mid ahaa saxeexayaashii maxkamadda caalamiga ah ee dembiyada ayaa sharciga maxkamaddaasi ka doonayaa inay xidhaan, haddii Putin oo booqasho ku yimaaddo dalkooda. Hase ahaatee Koonfur Afrika ayaa iyadu sheegtay inaanay tallaabadaas qaadi dooni, haddii Putin uu dalkaas yimaado.

Xoghayaha Guud ee xisbiga ANC oo waraysi siiyey BBC ayaa sheegay inay munaafaqadi ka muuqado sida dalalka reer galbeedku ay ula macaamilayaan amarka qabashada ee Putin, sababtoo ah ayuu yidhi, Britian iyo dalalka kale ee reer galbeedku waxay dembiyo dagaal ka galeen dalalka Ciraaq iyo Afghanistan, taas bedelkeedana, ma jiro madaxweyne loo maxkamadeeyey.

AP

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker