Raiisul wasaare Khayre oo gaadhay Dhuuso mareeb

Muqdisho (OWN) – Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa goordhoweyd gaadhay magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug.

 

 

Ra’iisal wasaaraha iyo wafdi uu hogaaminayo oo ka socda dowladda federaalka ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay magaaladaasi, xili ilaa saaka ay socotay qaban qaabada soo dhoweynta wafdigaasi.

 

 

Safarka uu Kheyre ku tagay Dhuusamareeb ayaa imanaya kadib baaqii ay madaxda maamulada kasoo saareen shirkoodii, kaasi oo ay madaxda sarre ee dalka ugu dalbanayeen kasoo qeyb-galka shirarkaasi.

 

 

Kheyre ayaa lagu wadaa inuu kulamo la qaato Madaxda maamul goboleedyada oo iyaguna ku sugan Dhuusamareeb, oo uu maalmihii u dambeeyay uga socday kulamo gooni gooni ah.

Madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa ka wada-hadli doona khilaafka la xidhiidha arrimaha doorashooyinka iyo sidii ay xiligeeda ugu dhici laheyd doorashadu.

 

 

Socdaalkan uu maanta Kheyre ku tagay Dhuusamareeb ayaa sidoo kale gogol xaadh u ah, safar uu dhawaan Madaxweyne Farmaajo ku tagayo magaaladaasi.

 

 

Magaalada Dhuusamareeb ayaa markale marti-gelin doonta shir u dhaxeeya madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamulada, iyada oo hoos u dhacday xiisada xooganeyd ee kala dhaxeysa madaxda sarre ee dalka.

 

 

 

Dhinaca kale, madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka tegay magaalada Dhuusomareeb isaga oo dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

 

 

 

Madaxtooyada Puntland ayaa sheegtay in Deni uu Puntland ugu laabtay si uu uga qeyb-galo aaska ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax iyo madaxweynihii hore ee Puntland Maxamed Cabdi Xaashi.

 

 

Deni ayaa la filayaa inuu dib ugu soo laabto Dhuusomareeb marka uu soo dhameysto arrimaha uu ugu noqday Garoowe.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker