Deg deg: Weerar ismiidaamin ah oo hadda Muqdisho ka dhacay iyo rasaas la maqlayo
Muqdisho: (OWN)Qaraxyo ismiidaamin ah iyo weerar toos ah ayaa goor dhawayd lagu qaaday xarunta wasaaradda arrimaha gudaha oo ku dhaw isgoyska sayidka.
Qaraxa ayaa markii hore ka dhacay ilinka hore ee wasaaradda arrimaha gudaha, kadibna waxaa bilaabatay rasaas xoogan oo leys weydaarsanayo, iyadoo warar soo baxaya sheegaya in dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab gudaha u galleen xarunta.
Qof goobta ka agdhow ayaa sheegay in ay jiraan labo dhinac oo dagaallamaya lama ogga waxa ay yihiin.
Wixii faah faahin ah ee qaraxa kasoo kordha kala soco (OOWDAYNE NEWS)