Arsenal vs Tottenham – Taariikhda Guulaha Ay Kala Gaadheen, Shaxaha Macquulka Ah & Faah-Faahinta Kulanka Ugu Weyn PL Toddobaadkan.

Arsenal ayaa maanta marti-gelinaysa kooxda ay magaalo xifaaltamaan ee Tottenham kulanka waqooyiga London iyaga oo og in guul ay gaadhaan ay ka dhigi doonto kuwo shan dhibcood ka sarreeya Spurs.

Iyadoo Arsenal ay toddobaadkii hore guuldarro kala soo laabatay kulankii ay booqdeen kooxda Liverpool, Dhinaca kale Tottenham ayaa kulankan imanaysa iyadoo guuldarro lama filaan ah kala soo kulantay Newcastle United.

WARARKA LABADA KOOXOOD EE KULANKA

Dhaawacii muruqa ahaa ee gaadhay da’yarka Kyle Walker-Peters ayaa laga yaabaa inuu tababare Mauricio Pochettino ku qasbo inuu saddex daafac dambeed ku ciyaaro isagoo keydka kasoo kicinaya Jan Vertonghen.

Sidoo kale Moussa Sissoko ayaa loo adeegsan karaa daafaca midig ee kooxda walow khadkan dhexe ee ree France aan dhexda looga maarmayn maadaama oo uu dhaawac ku maqan yahay Tanguy Ndombele.

Nacho Monreal oo kooxda ka tagay ayuu booskiisii daafaca bidix kusoo bilaaban doonaa Kolasinac, Torriera ayaa la filayaa inuu markale keydka kusii jiro marka laga yimaado goolkiisii kulankii Liverpool halka Lacazette uu weerarka dhexe kusoo bilaaban karo iyadoo Aubameyang garab la gaynayo.

SHAXAHA MACQUULKA AH EE KULANKAN

Arsenal: Leno; Maitland-Niles, Sokratis, Luiz, Kolasinac; Guendouzi, Xhaka; Pepe, Ceballos, Aubameyang; Lacazette

Tottenham Hotspur: Lloris; Alderweireld, Sanchez, Vertonghen; Sissoko, Dier, Winks, Eriksen, Rose; Son, Kane

XOGTA GUULAHA AY HORE USOO KALA GAADHEEN

Kulanka berri ayaa noqonaya midkii 199-aad ee ay labadan kooxood kulmayaan, Arsenal ayaa ah kooxda ku gacan sarreysa taariikhda waxaana ay Spurs kasoo adkaadeen 82 jeer halka ay 64 guul gaadhay Tottenham.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker