Aqalka hoggaamiyihii dilay in ka badan lix milyan oo Yuhuud ah oo qorshe cusub loo sameeyay

 

Aqalka Hogaamiyihii hore ee Jarmalka – Adolf Hitler oo ku yaal dalka Austria oo xilligaas ka tirsanaa Jarmalka ayaa loo adeegsanayaa in booliska lagu siiyo tababarro la xiriira ilaalinta xuquuqda aadanaha.

Dawladda ayaa iibsatay dhismaha oo ku yiil magaalada Braunau am in oo u dhow xadka Jarmalka, waxayna ku iibsatay dawladdu si qasab sannakii 2016 ka muran muddo dheer qaatay.

Kali taliskan xasuuqa geystay ayaa qol kiro ah ka degganaa qaybta sare ee dhismaha sannadakii 1881.

Dhissid dib u habeyn ah si loo beddalo dhismaha ayaa la filayaa in uu bilowdo deyrtan.

Balse qorshaha ayaa ah mid uu muran hadheeyay. Qaar ka mid ah dadku waxay doonayaan in dhismaha ay burburiyaan, waxayna ku guddi khubara ahi go’aansadeen in ay dumiyaan dhismaha si looga hor tago in uu xarun u noqdo naasiyiinta.

Hasa yeehsee dadka qaar ayaa taas ku tilmaamay in ay tahay inkiraad ku aaddan taariikhda Austria, halka kuwa kale ay sheegeen in loo adeegsado xarun dib u heshiisiin ama xarun samafal.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker