Israel iyo Xisbullah oo xabbad joojin ka gaadhay dagaalka Lubnaan
Israโil iyo Xisbullah ayaa gaarey xabad-joojin lagu soo afjarayo dagaalka lagu hoobtay ee u dhexeeya labada dhinac, sida uu ku dhawaqay madaxweynaha kursiga ka sii degaya ee Mareykanka Joe Biden.
Mr. Biden oo ka hadlayey shir jaraaโid oo uu goor dhaweyd ku qabtay Aqalka Cad ee dalkaas looga arrimiyo ayaa sidoo kale ka dhawaajiyey tillaabadan billow u tahay heshiis buuxa oo dhex mara labada dhinac, oo dhabbaha xaari kara nabad ka aslaaxda Bariga Dhexe.