Xisbiga Waddani Oo Eedo Culus U Jeediyey Wakaaladda Biyaha Hargeysa

Xoghayaha xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Mudane Khadar Xuseen Cabdi ayaa eedo culus waxa uu u soo jeediyey Masuuliyiinta wakaaladda Biyaha Hargeysa isaga oo dhinaca kalena sheegay in haddii xisbigiisa WADDANI talada dalka ku guulaysto ay Wakaaladda Biyaha Hargeysa u samayn doonaan sharci cusub oo ay ku hoos gayn doonaan Dawladda Hoose ee Hargeysa, taasi oo keentay in uu u Jawaabo Wasiirkii hore ee Beeraha Somaliland Mudane Axmed Muumin Seed oo Khadar Xuseen Cabdi, Xoghayaha guud ee Xisbiga WADDANI ku eedeeyey in aanay wakhtigan u mudnayn in uu arrintaasi ka hadlo ee ay marka hore tahay in uu ka soo baxo tartanka ururrada siyaasadda.

Ugu Horrayn Xoghayaha Guud ee Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Khadar Xuseen Cabdi oo ka hadlayay xaaladda Wakaaladda Biyaha Hargeysa iyo waxa xisbigiisa uga qorshaysan haddii uu talada dalka qabto ayaa qoraal kooban oo uu boggiisa baraha Bulshada ku baahiyay waxa uu ku yidhi: “Waa ayaan darro in Hargeysa weli biyo la’dahay oo dadkeedu booyado iyo gaadhi dameer ka cabbaan. Waa hubaal in wakaaladda Biyaha Hargeysa ay fashilantahay; Maarayn xumo iyo curis la’aan maamul ayaa curyaamiyey. Dadka qaarna waxa ay u arkaanba Dukaan (Supermarket) qoys leeyahay. Nov 13-keeda 2022 marka uu WADDANI hoggaanka qabto, waxa uu wakaaladda ku dhiqi doonaa siyaasadda maamul daadejinta, waxa aanu hoosgeyn doonaa dawladda hoose ee caasimadda. Maanta muwaadin kastaa wuu sawiran karaa quruxda shaqada iyo waxtarka laga filan karo, wakaaladda Biyaha Hargeysa oo uu maayer Cabdikariim Axmed Mooge maamulayo. Sida caasimaddu maamulkii hore uga raysatay ayaa ay wakaaladduna uga nasan doontaa hoggaanka la hallaabay, In Sha Allaah”.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker