Qoraal Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Gaadiidku Kaga Hadlay Hayb-sooca iyo Af-hayeenka Xisbiga WADDANI

Waxa aan arkay laba habeen ka hor ama 29kii Ogos 2020ka qoraal uu inaadeerkay Cumar-Sayid Cabdillaahi Aadan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadku kaga hadlay qaddiyadda hayb-sooca, waxa uu muujiyay niyad-sami iyo inay korayaan aqoon ahaan, shaqaale ahaan iwm, waxaanu saadaaliyay in dhibaatada kala-guursiga ee dhaqanka ka taagani ay dhammaan doonto.  Haddii aanan xog-ogaal ahayn rejo ayaa i geli lahayd.

Anigu ma filayo in dhibtaasi ay dhammaanayso, horumarkooduna taabba-qaad ma noqonayo inta ay faquuqan yihiin. Keligaa maaha, in aynu wanaag u filno Beelaha Gabooyaa waa innaga af-gobaadsi, wax aan hadalka ku qurxisanno, cunsuriyad iyo af daacad ah. Waxa ka siman dadka beelaha kale oo dhan. Haddii aanan xalka dhibta jirta qayb ka noqon karinna, af-gobaadsigayga laabta ayaan ku haysanayaa..

Mudane Cumar-Sayid Cabdillaahi Aadan waxa aad ka hadashay dhacdadii Jaamacadda ee dhex martay macallinka iyo Barkhad Jaamac Batuun, taas waxa ka jawaabtay jaamacaddii ay khusaysay. Fadlan adigu xukuumadda ayaad xil ka haysaa, Md Barkhad wuxuu ka cawday hadal uu yidhi Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo ah hoggaamiyaha qaranku, maraggiisiina waa joogaa..

Miyaad Madaxweynaha ka difaaci kartaa eeddaas mise afkaaga ayaad ka haysatay? Inaad taas beeniso ama rumayso ayaan kaa sugayay, keligaa maaha.. Qof kasta oo digreeto madaxweyne ku magacaabani wuu daadifayn karaa ama rumayn karaa.. Haddii aad daadifayn kari weydeen, fadlan bixiya xaalka gefka madaxweynaha ka dhacay.

Agaasimaha Guud oo la hadlaya madaxda beelaha Gabooye, waxa uu yidhi “Haddii madaxda beelahan ku abtirsata ee ay ahayd inay tusaale u noqdaan dayarta, xaga adkaysiga iyo isku kalsoonaanta ay oohin kula soo noqdaan dadkii ay matalayeen, bal sawir ilmaha yar ee arka madaxdiisii oo ooyaysa, ama aan isku kalsoonayn, maxaa ka dhalan kara”, waxa aan leeyahay madaxdu waxa ay deegaanka ku celisaa waxa ay ummadda ka soo arkeen. Haddii lagu hayo faquuq, takoor iyo fogayn kuma noqon karaan iyaga oo qoslaya, waana wax jira.

Cumar-Sayid Cabdillaahi Aadan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka oo ka hadlaya Barkhad Jaamac Batuun ayaa yidhi “Afhayeenka Xisbiga Wadani wuxuu isku dhex wadaa oo uu kala saari waayay dhibaatada ay beelahani tirsanayaan ee soo jireenka ah iyo siyaasadii xisbigiisa, ama doorkiisa siyaasiga ah.

Waxaan ku soo gunaanadayaa, waxaa kuu wanaagsan inaad kala doorato kaad noqonayso halgamaa u ololeeya xuquuqda beelahan oo madax banaan, ama siyaasi xisbi sarkaal ka ah, oo marka siyaasadu kululaato adkaysanaya oo aan caruurta cuqdad ku beerayn”.

Ma garan is-xilqaanka aad Barkhad ugu jawaabtay, ma gaadiidka iyo jidadka ayuu dhaliilay? Mise warcelinta uu Wasiir ku-xigeen Mahdi Cismaan Buuri ka xishooday ayaad uga dheeraysay? Aniga oo u arka inaanad jawaabta Barkhad Jaamac Batuun ee qaddiyadda hayb-sooca xaq u lahayn, waxa aan gartay in aan faalladan kaa bixiyo..  Haddii se aad se KULMIYE iyo WADDANI u wada hadlaysaan, waan idinka dhex baxayaa.

Waxa aan leeyahay Agaasime Guud, qabyaaladda iyo siyaasadda aad ku jirtaan ma kala baxaan. Sawniga og inaad ka damqateen huudhaydhkii dhallinyaradu ku gubtay Sallaxley, sawniga og inaad raacdaan wefdi kasta oo Sallaxley tegaya, sawniga og inaad ceel-biyoodka Baha-Dhamal goobjoogga u tahay.

Qofku waxa uu haynayaa waajibka xisbiga ama xukuumadda, ka degaankiisa iyo dadkiisana xil gaar ah ayaa ka saaran. Marka aad 27kii Mey 2020ka kormeerka ku samaynayso rig-boodka ka socda Baha-dhamal saw waajibaadkii degaanka iyo dadka ma aad gudanayn? Mise wasaaradda biyaha ayaad xil ka haysaa oo aad agaasime guud ama wasiir ka tahay?

Bal gujiya halkan:

https://www.youtube.com/watch?time_continue=7&v=JzpPfbeO0Gk&feature=emb_logo

Barkhad waxa saaran xil ka culus ka inna saaran. Wuxuu indhahooda, ilayskooda iyo hormoodkooda ku jira ummad la saaray ganaax aan diintu dhigin iyo gef aan la garan karin xilli uu dhammaanayo. Yoolkiisa siyaasadeed iyo kor u qaadka bulshadiisa labada wuu wadayaa..

Weliba aan kula kaftamo’e, maalintaas aad Bahadhamal tagtay ee dhawayd, waxa aan filayaa inaanad dadka halkaas deggan soo wada waraysan, kollay qayb ayaad la kulantay Bal aan ku xujeeyo’e inaadeer ma ka war heshay reer Aw Faarax Dubbad? Abwaankii weynaa ee Xuseen Aw Faarax Dubbad waxa uu ku dhashay Bahadhamal, ma ka war haysaa halka ay suugaantiisii marayso, cid qortay, in la ururiyay iyo in kale..

Illeen buuggaas Xuseen Aw Faarax Dubbad ee sheegaya in uu Bahadhamal ku dhashay waa mid dunida wada gaadhaya, oo magaca degaanku xitaa ku mudhayo. Dhanka kale waxa ay muujin lahayd inaad isku waddo, xidhiidhinayso oo aad gudanayso xilka kaa saaran dadka ku nool degaanka aad soo eegaysay riigga ka socda. Garyaqaan Muhiyadiin Mohamed Abdi ayaa hawshaas wada, waa taageero kuu xusnaan doonta haddii aad door qaadanayso.

 

Haddii aad weyddiinta u dambaysa ee hal-xidhaalaha ah nooga warcelisana aad baad u mahadsan tahay.

WQ: Siciid Maxamuud Gahayr

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker