Maxay Soomaalida Ku dhaqan Dalka Koonfur Afrika ka rajaynayn Karaan doorashada dalkaasi ka dhici doonta?

 

Dalka Koonfur Afrika waxaa si lixaad leh uga soconaya ololaha doorashada madaxtinimada ee la qaban doono maalinta Arbacada ah ee soo aaddan.

Xisbiga haya talada dalka ee ANC ayaa waxa uu wajahayaa loollankii ugu adkaa ee abid soo mara, waxayse u badan tahay inuu awoodda markii shanaad uu ku guulaysan doono.

Magaalada Johannesburg-se lagama dareemayo ololaha doorashada oo dadku howlahoodii caadiga ahaa ayey iska wataan.

koonfur Afrika

Xaaladdaasi waxba kama ay duwana xaafadda Mayfair ee ay Soomaalidu ka deggan yihiin magaalada Johonnesburg oo si caadi ah ayey nolol maalmeedkoodii u wataan.

Mahad Geedi waxa uu ka mid yahay ganacsatada Soomaalida ee magaaladan muddaba ka shaqeysanaysay, waxa uu sheegay in qofkasta uu ku mashquulsan yahay sidii uu noloshiisa ku maareyn lahaa sidaas daraadeedna aanan loo soo bixin ololaha doorashada.

Sidaas oo ay tahayse waxa ay si dhaw ula socdaan wararka doorashada oo qaarkood waxay ku rajo weyn yihiin inay wax wanaagsan ka soo bixi doonaan.

.
Image caption.

Cawil Cabdullaahi Wehliye waa mid ah ka mid ah ganacsatada xaafaddan, waxa uu rajaynayaa in xukuumadda cusub ay diiradda saari doonto sidii ay u horumarin laheyd adeegyada asaasiga ah ee aanay bulshadu ka maarmin.

“Ninka la filayo in madaxweynaha uu ku soo baxo waa nin ganacsada ah marka waxaa la rajaynayaa inuu rajo badan abuuri doono, dadka ajaanibta ahna uu nolol u sameeyo.”

Dhibka ajaanib naceybka ayuu Cawil u aanayaa adeegga bulshada oo liita awadeed “mar alaale iyo markii ay dowladdu ka gaabiso culeyska haysta bulshada dalkan aan ugu nimid ajaanibta ayaa lagu jeestaa marka annaga laftigeenna rajaan qabnaa in culayska ina haysta uu inaga dagi doono.” ayuu yiri.

Maxkamadda dastuuriga ee Koonfur Afrika oo amartay in la aqoonsado guurka Muslimiinta

Rajada Cawil kaliya kuma koobna ee Farxiya Xasan oo ka mid ah gabdhaha halkan ka shaqeysta ayaa waxa ay rajaynaysaa in siyaasiyiinta ay ka soo dhalaali doonaan ballanqaadyada xilliga ololaha.

“Waxaan ka rajaynaynaa madaxda ballanqaadyada ay sameeyeen inay sida ay aheyd uga soo baxaan, sida amniga, waxbarashada, ganacsiga iyo adeegyada asaasiga ah ee nolosha.” ayey tiri Farxiya.

‘Dhibka waa musuq maasuqa’

Hasayeeshee Soomaalida halkan ku nool kuligood iskuma wada raacsana rajada ay ka qabaan doorashada foodda inagu soo haysa, oo Axmed Maxamed Badal ayaa ku doodaya in sanado badan uu u soo joogay balammo aanan la fulin.

“Waxay ila tahay doorashada aan rajaynayno maalinta Arbacada ah isbadel weyn ma yeelanayso, waxaan isleeyahay ballanqaadyo fara badan baa ilaa 1994 la sameynayay, xaqiiqdii wax badanna waa la qabtay wax bandanna wuu dhiman yahay waddanka.”

Waxa uu eedda dusha kaga tuurayaa musuq maasuqa la sheegay inuu hareeyay hay’adaha dowladda: “Dadka waddankan xukuma dadaalkasta oo ay sameeyaan waxaa caqabad ku noqonaya wax isadabamarinta jirta, taana waa dhaqan Afrikaan walow dadka Koonfur Afrika ay ka hormarsan yihiin Afrika inteeda kale haddana dhibku wuu jiraa.”

Soomaaliduse waxa ay ka siman yihiin codsiga ah in ammaankooda ay dowladdu ilaaliso iyo weliba in loo fududeeyo sharciga dalkan.

 

Suldaan Ducaale Maxamed Cali waxa uu ka mid yahay odayaasha Soomaalida ee magaaladan, farriin gaar ah ayuu u dirayaa xisbigii doorashada ku guulaysta, waxa uuse u badinayaa in ANC ay doorashada markii 6aad.

“Marka hore waddankan Koonfur Afrika waxaan uga mahadcelinaynaa haddaan nahay bulshada Soomaalilyeed sida sharafta leh oo ay noo soo dhaweeyeen ee ay noo caawiyeen iyo sida ay sharciyada noogu fududeeyeen markii aan qaxootiga aheen ee aan dalkan soo galnay ama sida ay ganacsigeenna u soo dhaweeyeen.”

“Waxaa loo badinayaa in xisbiga ANC uu ku soo baxi doono doorashada walow wuxu ay doorasho tahay haddana ciddii soo baxdaba waxaan ka codsanaynaa in ammaanka Soomaalida la ilaaliyo, ganacsigeenna la dhowro sharcigana naloo fududeeyo.” ayuu yiri Suldaan Ducaale.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker