Mucaaradka KoonfurAfrika oo dowlada ku eedeeyay musuqmaasuq baahasan

Xisbiga ugu weyn mucaaradka Koonfur Afrika ayaa sheegay in uu ka codsanayo hay’adda la dagaalanka musuqmaasuqa in ay baaritaan ku sameyaan waxa ay ku sheegeen in ay yihiin qandaraasyo la kordhiyay oo lagu dayactirayo guryaha qaaliga ah ee wasiirada.

Arrintan ayaa timid ka dib markii dowladda ANC ay shaaca ka qaaday in intii u dhaxeysay 2019 iyo 2022 ay ku bixisay ku dhawaad ​​$5m (£4m) dayactirka daraasiin guryaha ay degan yihiin shaqaalaha dowlada.

Mucaraadka ayaa sheegay in biilka nalalka uu ahaa ku dhawaad ​​$1,000 mid ka mid ah gurayahaya wasiirada oo ku yaalla Pretoria.

Kudhawaad $70,000 ayaa loo adeegsaday dayactiray jikada iyo $2.5m oo lagu kharash gareeyey matoorada korontada-dhaliyeya guryaha wasiirada – halka dadka intooda badan oo kunool koonfur afrika ay la halgamayeen korontadii yaridii ugu xumeyd ee Koonfur Afrika kajirta

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker