Trump Oo Isbitaalka Uga Soo Baxay Si Uu U Salaamo Taageerayaashiisa

 

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa muddo kooban ka maqnaa cisbitaalka sii uu u soo salaamo taageerayaashiisa oo ku sugnaa bannaanka Cisbitaalka lagu daaweynayay.

Madaxweynaha ayaa ku jiray gaadhi madow waxaan la arkayey isaga oo afka xidhan islamarkana taageerayaasha uga gacan hadiyay gaarigii uu ku jiray.

 

 

Madaxweynaha ayaa mar sii horreysay bartiisaa Twitterka ku qoray in uu si kedis ah ula kulmi doono taageeraayiisha.

Mr Trump, oo lagu dhaliilay sida uu u maareeyay cudurkan safmarka ah, ayaa sidoo kale sheegay inuu wax badan ka badhay viruska.

 

Xaalada caafimaad Ee Madaxweyne Donald Trump ayaa soo Wanaagsanaanysa kadib markii laga helay cudurka Korona waxaana laga yaaba in Maalinta isniinta cisbitaalka laga saaro, sida uu sheegay dhakhtarkiisa gaarka ah.

 

Dr Sean Conley ayaa sheegay in hoos u dhacday markii labaad heerka nefsashada ee Mr Trump waxaana lagu bilaabay daawo lagu magacaabo dexamethasone.

 

Madaxweynaha ayaa lagu xidhay qalabka lagu nefsado hal mar oo keli ah tan iyo markii cudurka korona laga helay, waxaa sidaasi yidhi Dr Conley oo fahfaahin ka bixinayay hadallo sualo ka dhashay oo horey dhaqaatirtu u sheegayn.

 

 

Madaxweynuhu wuxuu sheegay โ€ wax badan ayaan ka bartay cudurka Covid.Iskool ayaan u galay, tani waa xaaladda dhabta ah ma aha wax bugaagta laga dheehan karo, wuu igu dhacay waana fahamsanahay, waa wax la yaab leh. Marka aniga ayaa idinkaga dhici doona qisadaโ€ ayuu Trump ku qoray twitterkiisa.

 

Baaritaankiisa cudurka Covid-19 ee uu Jimcihii ku shaaciyay bartiisa Twitter-ka, ayaa waxa ay hakisay ololihiisa sidoo kalana waxaa shaki laga muujiyay iskudaygiisa uu ku doonayo in shaqada lagu siiyo xaakimka cusub ee Maxkamadda dalkaas ugu sarraysa ka hor inta aanan codbixinta loo dareerin.

 

Covid-19 ayaa halis gaar ah u lahaan kara madaxweynaha oo 74 sano jir ah aadna u cayilan. Waxaa ilaa iyo hadda lagu daweeyay dawo tijaabo ah oo loogu talagalay fayraska korona balse aan wali la ansixinin.

 

 

ย 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker