Malaysia oo ka hadashay muwaadinkooda oo Al-shabaabnimo loogu xidhay Soomaaliya

Wasaaradda arrimaha dibedda ee dalka Malaysia ayaa sheegtay inay si dhow ula socota xadhigga iyo hannaanka sharciga ah ee lagu soo rogay nin u dhashay dalkaas oo la sheegay inuu Soomaaliya u soo galay si uu uga biiro kooxda Al-Shabab.

Wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaas Datuk Saifuddin Abdullah ayaa sheegay in mas’uuliyiinta Safaaradda Malaysia ee Khartuum, Suudaan, ay tageen qunsuliyadda si loo hubiyo daryeelka iyo caafimaadka ninkaas oo loo yaqaan Axmad Mustakim Abdul Hamid.

“Wasaaraddu waxay sii wadi doontaa la socodka dhacdooyinka kiiska waxayna siin doontaa mudnaanta koowaad iyada oo hubineysa in mar walba la ilaaliyo xuquuqdiisa iyo inuu helo xukun caddaalad ah oo waafaqsan sharciga.

“Waxaa naloo oggol yahay inaan booqanno qunsuliyadda, sidoo kale waxaan la xidhiidhay qoyskiisa si aan ugu sheegno xaaladdiisa.”

“Waa inaan ixtiraamnaa shuruucda dalka, waxaana laga yaabaa inaan weyddiisanno wakiillada safaaraddeenna inay ka soo qaybgalaan dacwadiisa maxkamadeed,” ayuu ku yiri shir jaraa’id oo uu ku qabtay Xarunta Baarlamaanka ee Indera Mahkota Sabtidii 18-ka September.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker