Sokor sumaysan oo suuqyo ay islii ka mid tahay laga helay iyo saraakiil shaqada ku waayey

Madaxii Kenya ee la socodka tayada cuntada iyo 26 sarkaal oo kale ayaa shaqada laga joojiyey kadib markii in ka badan 1,000 tan oo sokor dhacday ah suuqa lagusii daayey.

Bayaan uu soo saaray madaxa adeegga bulshada, Felix Koskei ayaa sheegay in 20,000 oo loorar sokor ah oo dalka lasoo geliyey 2018 kii kuwaas oo waaxda la socodka tayadu diidday in la iibiyo, “si aan rasmi ahayn loo weeciyey isla markaana suuqa lagusii daayey”.

Sokorta ayaa magaca la baddelay iyada oo lagu qoray magacyo ay dadku yaqaanaan sida shirkadda Mumias, waxaana dukaaxaafadda isllii dukaamo ku yaalla laga helay in k abadan 1,400 oo loor.

Waaxda taya dhowrka ee kenya ayaa ku sheegtay sokortu in ay ahayd mid aan habooneyn in biniaadmigu isticmaalo waxaana loo diyaariyey in la burburiyo.

Habraaca burburinta sokorta ayaa loogu tala galay in ay goob joog ka ahaadaan wakillo ka socda waaxda tayo dhowrka.

Shaqa joojinta ayaa imaanaysa xilli ay dadka reer kenya la kulmeen sara kicii ugu weynaa ee qiimaha sokorta tan iyo intii ay yaraatay sokorta dalkaasi.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker