Akhriso :Shanta Xisbi Siyaasadeed ee ka Jira Caasimada Somalia ee Muqdisho oo Si Wada-Jira Bayaan usoo Saaray

Muqdisho (OWN) – Hoggaamiyaasha xisbiyada kala duwan ee dalka ayaa kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, waxaana kadib ay qodobo kasoo saareen xaaladda dalka.

Waxaa kulanka ka qeyb-galay Shariif Sheekh Axmed, Cabdulqaadir Cosoble Cali, Xasan Sheekh Maxamuud, Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur, oo madax ka ah xisbiyada kulanka kala qeyb-galay ee kala ah; NDP, Himilo Qaran, Ilays, Wadajir, iyo UPD.

Kulankaasi ayaa waxaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin xaaladda amniga dalka, dastuurka dalka iyo dhameystirkiisa, doorashooyinka 2020 iyo sharuudaha doorashooyinka oo dowladda Soomaaliya looga baahan yahay in meel mariso.

Kadib dhammaadkii kulanka, ayaa hogaamiyaasha Xisbiyada kala duwan ee dalka ayaa warsaxaafadeed ay soo saareen waxay baaq ugu jeediyeen dowladda Soomaaliya.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker