Nin Lagu Khalday Ninka Loo Haysto Dilka Shinzo Abe Oo Ka Hadlay Waxa Uu Samaynayo
Nin ciyaaraha maqalka iyo muuqaalka ah farsameeya oo caan ah ayaa ku hanjabay in uu maxkamad la tiigsan doono dadka wada wararka been abuurka ah ee isaga ku tilmaamaya inuu yahay qofkii dilay Shinzo Abe.
Hideo Kojima oo ah ninkii soo hindisay islamarkaana naqshadeeyay ciyaarta “Metal Gear” ayaa lala xiriiriyay toogashadii raysul wasaarihii hore ee Japan, waxaana sawirradiisa lagu faafiyay bog internet ah oo lagu magacaabo 4chan.
Sawirradaas waxaa sii xigtay siyaasi u dhashay Faransiiska, sidoo kalena waxaa lasoo tebiyay inay faafiyeen warbaahinno ka howl gala waddamada Giriigga iyo Iiraan.
Shirkadda uu leeyahay farsamayaqaankan, oo lagu magacaabo “Kojima Productions” ayaa sheegtay in ay si adag u cambaaraynayso shaacinta wararkaas been abuurka ah”.
Bogga 4chan ayaa adeegsaday sawirka Kojima waxa uuna si been ah u sheegay inuu ka tirsan yahay “xagjiriinta garabka bidix” uuna dambiyo hore galay.
Warbaahintaas ayaa sidoo kale warbixinteeda soo saacisay sawir kale oo muujinaya koofiyad ay xirtaan ciidamada Ruushka iyo mid kale oo ah isagoo ag taagan sawirka Che Guevara, oo ahaa nin u ololeeya arrimaha asal raaca.
Sawirro laga soo jaray baraha bulshada ayaa muujiyay in uu isla sawirradaas Twitter-kiisa u adeegsaday Damien Rieu oo ah mid ka mid ah siyaasiyiinta Faransiiska ee lala xiriiriyo dhaqdhaqaaqa qarannimada.
Siyaasiga ayaa sawirka Kojima kusoo qoray: “Bidixda fog wax bay dishaa”.
Balse markii dmabe siyaasigan ayaa boggiisa ka tiray sawirkaas, waxa uuna raalligelin u diray Kojima, isagoo sheegay inuu si aan “ka fiirsasho lahayn u qaatay xog” uuna “ku khaldanaa inuusan iska hubinin ka hor inta uusan faafinin”.
Shirkadda farsamayaqaanka ayaa iyadoo ka jawaabaysa arrimahaas ku gooddisay inay ka fiirsanayso tallaabo sharco ah oo ay ka qaadayso faafinta xogta been abuurka ah.
Kojima ayaa sheegay in uusan ciyaar ka dhiganaynin khalad noocan ah.
Falanqayn
Waxaa diyaariyay Shayan Sardarizadeh, oo ka tirsan waaxda dabagalka wararka been abuurka ah ee BBC-da.
Daqiiqadaha ku xiga musiibo dhacday, xogta la sii daayo waa mid mihiim ah, dareen sare ayayna kusoo aaddaa.
Haddii la waayo macluumaadka saxda ah, waxaa booska buuxiya warar marin habaabin ah, dhacdadii ku saabsanayd Mr Abe ayaana sidaasoo kale la sameeyay.
Islamarkiiba waxaa baraha bulshada ee Japan lagu faafiyay warar been abuur ah oo sheegaya in dilka uu ahaa mid aan sax ahayn, in Mr Abe uusan dhiig ka soconin marka sawirradiisa la eego, in ninka la xiray uusan ahayn eedeysanaha saxda ah iyo in uu u dhashay Kuuriya ama Shiinaha.
Balse meelo kale oo ka mid ah caalamka, diiradda waxay saarnayd Mr Kojima iyo eedeymo loo jeedinayay dadka reer Aasiya.
Bogga lagu tilmaamo hoyga Internet-ka ee 4chan ayaa mas’uul ka ahaa qaar badan oo ka mid ah wararka been abuurka ah.
Ma aha markii ugu horraysay ee Mr Kojima lagu bartilmaameedsado warar been abuur ah.
Warbixin been ah oo isaga ku eedeynaysa inuu “cunug haweeney caloosheeda khasab uga soo bixiyay” ayaa faafay dhowr isbuuc ka hor, xilli mowduuca ilmaha la soo rido looga hadlayay waddanka Mareykanka.
Mar walba, waxaa habboon in la sugo xogta dhabta ah ee ay soo gudbiyaan mas’uuliyiinta ay khusayso arrinta iyo warbaahinnada lagu kalsoon yahay. Waa in la iska ilaaliyo wararka aan la xaqiijinin, si kasta oo ay u faafaan.
Kumuu ahaa Shinzo Abe?
Waxa uu ahaa raysul wasaarihii ugu waqtiga dheeraa ee soo maray Japan, isagoo xilka hayay hal sano oo ahayd 2006-dii kaddibna raysul wasaare ahaa intii u dhaxaysay 2012-kii ilaa 2020-kii.
Ugu dambayn waxa uu isu casilay arrimo la xiriira caafimaadkiisa.
Abe waxa uu markii dmabe shaaca ka qaaday inuu la xanuunsanayay cudur ku dhaca mindhicirrada.
Muddadii uu xafiiska joogay waxa uu dadaal ku bixiyay hirgelinta siyaasado badan oo ku saabsan difaaca iyo arrimaha dibadda, waxa uuna rabay in Japan ay wax ka baddasho dastuurkeeda la aasaasay wixii ka dambeeyay dagaalka.
Maalmihii lasoo dhaafay baraha bulshada ee waddanka Japan waxay dadku ku sheegayeen in ay rabaan dimuqraaddiyad oo aysan rabin qalalaase. Dad badan ayaa ka fal celinayay dilka argagaxa lahaa ee loo gaystay Mr Abe.