Qamadigii loogu deeqay Soomaaliya oo mid lamid ah loogu deeqay Burkina Faso

Burkina Faso ayaa Ruushka uga mahad celisay deeq qamadi ah oo gaaraysa 25,000 oo tan, iyadoo ku tilmaantay “hadiyad wax loo dhigaa aanay jirin”.

Xiriirka u dhexeeya Moscow iyo Ouagadougou ayaa sii xoogeysanayay tan iyo markii milatarigu labo afgambi oo isku xiga uu xukunka kula wareegay 2022.

Bishii la soo dhaafay Ruushka ayaa safaaraddiisa Burkina Faso dib u furay taas oo xirnayd tan iyo markii uu burburay Midowgii Soofyeeti.

Burkina Faso ayaa ka sii fogaanaysay Faransiiskii gumeystay, waxayna sanad kii la soo dhaaftay ku amartay ciidamadiisa in uu kala baxo wadankaasi.

Mushkiladda ka jirta Burkina Faso ayay kooxaha bini’aadanimadu ku sheegeen mid la iska iloobay.

Qaramada Midoobbay ayaa sheegtay in sedex milyan oo reer Burkina Faso ah ay wajahayaan cunto yari ba’an.

Sedex maalmood kahor ayay ahayd markii qamadi gaaraya 25,000 oo tan oo Ruushku ugu deeqay Soomaaliya uu Dakadda Muqdisho kula wareegay Gudoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliya Maxamuud Macalin Cabdulle, waana deeqdii labaad ee qamadi ah ee Ruushka ka timid oo soo gaarta Soomaaliya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker