Soonkii geerida: ninkii xertiisa soomiyey ilaa ay ka le’daan
Madaxa Kiniisadda Shakahola, Paul Mackenzie ayaa kusii jiri doona gacanta ciidamada amaanka 30 maalmood oo kale ka dib markii ay maxakamad ku taal Magaalada Mombasa ay sidaas go’aamisay.
Gudoomiyaha maxkamadda Shanzu ee magaalada Mombasa ayaa gaaray go’aanka lagusoo xiray baadarigan, xaaskiisa Rhoda Maweu iyo 16 eedaysane oo kale, talaabadan oo daba socotay baadhitaan illaa iyo hadda socda.
Mr. Shikanda ayaa sheegay in bed qabka eedaysanayaashu ay muhiim tahay lagana baqayo, naftoodana loo baqayo haddii damanad lagusii daayo xilligan.
Baadarigan kaniisadda ee qaybteeda KIlifi ayaa la aaminsan yahay in uu tobanaan xertiisa ka mid ah ku siray in ay soomaan illaa ay ka geeriyoodaan gaajo awgeed.