Ganacsato Somali ah oo Lagu Laayay Dalka Koonfur Africa

Muqdisho (OWN) – Kooxo Badhcad Afrikaan ah ayaa lagu soo warramayaa in Saacadihii Lasoo dhaafay ay dil & dhaawac U geysteen Ganacsato Soomaali ah.

 

Wararka ayaa sheegaya in weerarka lagu beesgaday muwaadiniintaasi Soomaaliyeed uu ka dhacay magalada Durban ee gobolka Kwazulu Natal ee Wadanka Koonfur Afrika.

 

Inta la xaqiijiyey ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay weerarkaasi, iyada oo ay ku dhaawacmeen labo kaleo oo dhammaan ah Soomaali.

 

 

Marxuumka dhintay ayaa lagu magacaabi jiray Cilmi Dhagoole Xaashi, kaas oo ka mid ahaa Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaasi.

 

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in budhcadda ka dambeysay falkaasi ay goobta isaga baxsadeen dhacdada kadib, iyadoo ay goobta gaareen ciidamada Booliiska.

 

Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa kuu sii badanayey Koonfur Afrika weerarada ka dhanka ah Soomaalida iyo boobka loogu geysanayo magaalooyinka dalkaasi.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker