Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Oo Qaddiyadda Somaliland Ku Soo Bandhigay Dalka dalka Switzerland

Guddoomiyaha Xisbiga Caddaalada iyo Daryeelka ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa ugu baaqay Xisbiga Socialist International oo ay xubno ka yihiin in ka badan 150 dal oo adduunka ah, inay gacan ka geystaan horumarinta qadiyadda madaxbanaanida Somaliland, isla markaana ay gaadhsiiyaan qaddiyada Somaliland fagaarayaasha caalamka .

 

Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabo oo ka qeybgalay kulan xisbiga Socialist International oo ku yeeshay magaalada Geneva ee dalka Switzerland, ayaa halkaasi ku soo bandhigay qaddiyadda Somaliland, waxaanu u caddeeyey in Somaliland ay xaq u leeyahay in ay buriso midnimadii 1960-kii dhexmartay dalka Soomaaliya.

 

Eng. Faysal Cali Waraabe isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna, waxa uu yidhi, “Somaliland xaq ayey u leedahay inay buriso midnimadii dhexmaray Soomaaliya, sida dalal badan oo adduunka ka mid ahi ay hore u sameeyeen, oo dalalka Syria iyo Masar intay midoobeen sannadkii 1958, dib uga laabteen midnimadii, ama dalalka Gambia iyo Senegal u sameeyeen. Qadiyada Somaliland-na kama duwana kuwaas.

 

Gudoomiyaha xisbiga UCID ayaa ugu baaqay xubnahii xisbiga Socialist ee kulanka joobgooga ka ahaa in dalkiisu filayo kaalin ay ka qaataan horumarinta madaxbanaanida Somaliland, waxaanu yidhi, “Waxaan ka codsanayaa xisbiga Socialist xubnahiisa inay kaalin ka qaataan horumarinta qadiyadda Madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.”

 

Talaabadan uu qaaday Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa ah mid uu ugu ololaynayo qaddiyada Somaliland oo uu beesha caalamka ku gaadhsiinayo qadiyada madaxbanaanida Somaliland, waxaanu khudbadan ka jeediysida kulankii xisbiga Socialist International oo ay xubno ka yihiin in ka badan xisbiyo ka dhisan 150 dal oo caalamka ah. Waxaanay noqonaysaa tallaabo meel fog gaadhsiisa fahamka caalamku ka haysto qadiyada Somaliland, faariin muuqatana gaadhsiisay dhegaha baddi siyaasiyiin daafaha caalamka kala jooga.

Oodweynenews   office

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker