Deg Deg: Madaxwaynihii Hore Ee Dawladda Deegaanka Soomaalida Ethiopia oo Maanta Maxkamad La Hor Keenay.

Addis-ababa-(OWN)-Maxkamadda Sare ee Itoobiya ayaa waxaa la horkeenay Cabdi Maxamuud Cumar, madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida iyo afar mas’uul oo kale oo maamulkiisa horey uga mid ahaan jiray.

Sida ay tabinayso warbaahinta dowladda Itoobiya, Cabdi iyo dadka kale oo ay haweenay ku jirto ayaa loo heystaa dambiyo la xiriira ku xad gudubka xuquuqda aadanaha iyo kicin rabshado qoowmiyado ka dhaxeeya.

Cabdi Maxamuud Cumar ayaa laga xidhey guri ku yaalay magaalada Addis Ababa 27-kii bishan, kadib markii maalin ka hor baarlamaanka deegaanka uu xasaanaddii ka qaaday isaga iyo 6 mas’uul oo kale.

Lama oga in Cabdi qareen loo ogolaaday iyo in kale, balse waxa ay u muuqataa in la mariyay nidaamkii madaniga ahaa ee habraaca garsoorka, taas oo ah in dacwadda marka hore furo xeer illaaliyaha, booliiska xidhaan, kadibna maxkamad la geeyo 24 saac gudahood.

Cabdi Maxamuud Cumar

Wixii Kasoo Kordha Faah-faahinta Warkan Kala Soco OODWAYNE NEWS.COM

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker